opinion.jpgFarxad wayn bay ii tahay inaan hanbalyeeyo Amoud foundation safarkoodii London ee wiigii hore waxaanse rabaa  inaan tilmaamo isla markaana ka xog waramo dadkii ay martida u ahaayeen maalmihii ay ku sugnaayeen London, inkasta oo Ilaahay khayr ha ka siiyee ay ahayeen dad dadaalbadan waxqabadkoodana hore loo arkay waxaan uga digayaa inaanay dan moodin kuwa qabiilka iyo xumaantu naafaysay ee ay martida u ahaayeen maalmihii koobnaa kuwaasoo habayaraatee aan lahayn nacfi horumar iyo wadaniyad ku salaysan dad jacayl iyo is dhexgal bulsho oo lagu midaynayo danahooda, waxay isu yihiin cadaw midiba mid neceb yahay, hogaan malaha oo waxaa ka suulay caqligii waxgaradka lagu yiqaanay waxay ku tamariyaan nac iyo nacayb, waa wada naftood hafar aan meel gaadhin haba ugu darnaadaan inta had iyo jeer ka muuqata masraxa hogaanka shirarka  amaba kaabayaasha hore fadhiista, siuts bay xidhaan kala dheer isma oga inay yihiin danbiilayaal wajiyadoodana naxariisi kama muuqato waxay isugu hanbalyeeyaan budhcadnimada  hadhawna waxay daba furaan ama nacaseeyaan shirkasta ama kulankasta oo lagu lafa gurayo National Intrest-keena.
 
Habada anigoon jeclaysan inaan shaqsiyaad tilmaamo waxaan uga digayaa cidkasta oo Awdal/Salal jecel horumarkooda  inaanay ku hungoobin waraabayaasha naftood hafarkaa ee London ku curyaamiya sharaftii iyo dhaqankii Samaroon lahaan jiray, waxay u maleegaan dabino inta caqliga u saaxiibkaa ee u darban had iyo jeer danaha dadkooda, Amoud Fundation waxaan lee yahay yaanay idinka nacasayn ujeedadiina wax Alla wax ay idinku soo kordhinayaan ma jiraan aan ka ahayn inay idiinku deeqaan  VIRUS dhex gala qalbiyadiina wanaagsan, Soomalidu waxay tiraa nin tiisaba daryeelaa tu kale ku dara nin caruurtiisii qadaadiic siisanaya ma Awdal buu dan u hayaa? Waa maya.
 
  Waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada UK ee reer Awdal inay yihiin kuwa laga doonayo inay ka takhaluusaan naftood hafarkan faanka iyo istuska ku sifoobay waa boog aan daawo lahayn oo inagu faafaysa sidii Cancerka, xanuunay u liitaan qaarkood Allena kamaba cabsadaan waxay moog yihiin inay dhimanayaan caruurtii iyo dumarkiibay dhaqan habaabiyeen naftoodana uma roona aakhiradoodana umaba tudhaan saas darteed waxaan u soo jeedinayaa Dhalinyarada reer Awdal/Salal inay iska doortaan hogaan mideeya danahooda oo u quus gooya waayeelkan lagu khasaarey een hagardaamadiisa kor kaga soo hadlay, waa inaynu fahanaa wixii shirar samaroon loo qabanayay iyo wixii kulamo lagu dardar galinyay midnimadeena inay is baaro u dhigtaan naftood hafar miidhan oo maalmo yar ku qadhaabsadadanaheena iyo magaceena.
 
  Guntii iyla gabagabadii waxaan mareegyada Internetka ee sida gaarkaa uga hadla Awdal iyo nawaaxigeeda ku wargalinayaa inaanay wakhti badan siin ka hadalka ceebtayada inta aan u xulanayno dhalin indheergarada danahayaga waayo waa is hafar marka la lee yahay shir baa ka dhacay London SAMAROON isugu yimid  dabeetada sawiraa la idin soo diraa faana maalmo ka dibna waxaa dhaca shir doceedyo lagu maro habaabinayo ujeedooyinkii kulamadaas kow maaha oo laba maaha oo sadex maaha inta jeer lasoo bandhigay wax aan sal iyo raad toona lahayn.
 
Ilaahay ha inaga qabto kuwa loogu dawgalay danaheena sharkoodana ha inaga nabad galiyo , intii wanaagsan rabi ha ka jasaaid siiyo dadaalkooda sida Amoud Foundation, Gurmad I W M.
 
 
Maxamed Ali Hassan
Northhapton
one@hotmail.co.uk

Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews