geb-secondary-boarding-school.JPGBoorama-(Lug)-Maamulka Dugsuiga sare ee Geb ayaa maalintii shalay ahayd ka gudoomay deeq bixiyayaal wadani ah qalab isugu dhafan agabka hurdada kaasi oo loogu tala galay seexadka ardayda wax ka barata dugsigaasi sare ee Geb oo isugu jira hurdada iyo wax barashada ee loo yaqaan boarding qalabkani ayaa isugu dhafnaa sidan kana koobnaa

geb-secondary-boarding-school.JPG
 
200 Sariir oo nooca is dulsaaran ah.
200 Miisasn
200 Kursi
200 Barkimooyin
200 Bustayaal
200 Goyaal

geb-secondary-boarding-school-1.JPG

Hadaba maamulka dugsiga sare  ee geb   ayaa ka gudoomay wadaha  midka mida wadayaasha qaada agabka kasoo daga dakada Berbera waxaanu ku wareejiyay isla maamulka dugsigaasi sare ee geb  halkaasi oo ay bahda warbaahinta Lughayanews iyo waliba masuulsare Dr.C/rashiid Axmed Guuleed (Sumal) oo ahaa goobjoogaha gaar ahaan loogu xilsaaray  inuu kala wareego amaba goob joog ka noqdo  si loo cadeeyo amaba ay u gaadhaan warbixinadu deeq bixiyayaashii wadaniga ahaa ee kusoo deeqay ay goob joog ka ahaayeen. 

geb-secondary-boarding-school-3.JPG
 
Sidoo kale waxaad arkaysay dareenka ardayda oo aad u wanaagsan kaasi oo ay dhamaantoodba ay ku wada faraxsan yihiin  inay wax bartaan isla markaan ay doorbideen inay kaga xeraysnaadaan  madashani halkii ay kaga lumi lahaa wakhti hadii ay   ku sugan yihiin magaalada Boorama ama magaalooyinka kaleba, taasina macnaheedu tahay waa mid guul usoo hoyn karta    guud ahaanba dalka Somaliland  iyo gaar ahaanba gobolada Awdal iyo Salal.

geb-secondary-boarding-school-4.JPG

Sidoo kale waxaan booqasho ugu tagay arday  aad ay da’oodu u yar tahay oo aad arkaysay inay u heelan yihiin waxbarashada taasi oo aysan mudooyinkii hore aysan jaanis u helin hase ahaatee  waxaad kuu muujinaysaa  midani inay tahay mid laga wada bogan karo waxaanu ii sheegay barraha  ardayda wax ka barata agagaarka Dugsiga Sare ee Geb inay yihiin dayartii aanan jaanis wanaagsan u helin, kana maarmi waayeen waalidkii dhalay, hadaba si loogu baro wax waalidka ardaydaasi ayaa macalimiinta digsiga sare ee geb ay usiiyeen mudo yar iyaga oo markaasi hadba ay usoo dirayaan barraha markaasi jaanis haysta.

geb-secondary-boarding-school-8.JPG
 

Ardayda wax kabarata dugsiga sare ee Geb ayaa marka hore loo qoondeeyay inay qaataan macalimiintu tiro dhan 70 arday waxaana hada  ku guda jira guud ahaanba  tiradii loogu tala galay hase ahaatee waxaa kaliya ee ay tahay tirada ardayda wax kabarata  66 arday oo ah rag iyo 2 arday oo  ah haween.

geb-secondary-boarding-school-5.JPG
geb-secondary-boarding-school-6.JPG
geb-secondary-boarding-school-7.JPG
geb-secondary-boarding-school-9.JPG

Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali-(Indhoqurux)
Lughayanews-Boorama