Boorama-(Lug)-Xubin sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye, isla markaana kasoo jeeda g/Awdal ayaa habeen Hore xabsiga dhexe ee Boorama loo taxaabay kaddib markii isaga iyo odayaal
ka mid ah xigatadiisa ay ciidammo qabteen habeen hore ku qabteen magaalada isla marrkiibana loo gudbiyey xabsiga dhexe .
Axmed Xaddi Sidci ,kana mid ah siyaasiyiinta xisbiga kulmiye ee qurbajoogga ayaan ilaa imika la ogeyn sababta loo xidhay iyo ciddii ka dambaysay xadhiggisa oo kusoo beegmay wakhti badhasaabka gobolka Awdal uu socdaal hawleed ugu maqnaa Degmada Lughaya .
Taliska ciidanka Booliska iyo saraakiisha amaanka ee gobolka oo wax laga weydiiyey xadhigga siyaasigaasi ayaan wax tafaasiil ka bixinin, badankoodana lagasoo xigtay inaysan wax war ah ka haynin cidda ka dambaysa xadhiggiisa, mana jirto cid sheegatay.
Xadhigga Axmed Xaddi oo dad badan oo halkan joogaayi la yaabeen ayaa sidoo kale tuhun ka dhex abuuray masuuliyiinta dawladda ee gobolka maadaama xadhiggiisa aan loo marin sifo sharciya, inkastoo warar an la xaqiijini sheegeyaan in loo maray .
Inkastoo maanta la sii daayey afar ka mid a odayaasha xigtadiisa ah ee lala xidhay kaddib markii sida la sheegay maxkamad la horkeenay horkeenay wax dembi ahna lagu waayey, balse Axmed Xadii ayaa weli ku jira xabsiga lamana oga cidda uu u xidhanahay .
Xadhigga siyaasigaasi ayaa sidoo kale ka dambeeyey markii uu kasoo baxay kulan beelaha Makaahiil ee u kasoo jeeda Borama kasoo saareen bayaan siyaasadeed, isla markaana hadallo uu ka jeediyey kulan beeleedkaasi uu kula dardaarmay in beelahaasi la shaqeeyaan xukuumadda cusub.
Dad kale ayaa iyaga ii sheegay in xadhigga siyaasigaasi ay ka dambeeyeen aad ay isku hayeen dhulbeereed Boorama ku yaalla, haseyeeshee dhulbeereedkaasi lagasoo saaray go’aanno maxkamadeed oo la fulin waayey, kuwaasoo ama go’aanadaasi oo dhulbeereedkaasi loogu xukumay siyaasigaasi qurbajoogga ah .
Waa markii ugu horreysay ee siyaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye loo xidho siyaabo aan la ogeyn ,ila markaana loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe ee Boorama, waxayna dad badani farta ku fiiqayaan in xadhigaa siyaasigaasi wax badan la iska weydiin doono ciddii ka dambaysay .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuul Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Boorama Lagu Xidhay Iyo Dareenada Ka Dhashay Masuulkaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback