Addis Ababa-(Lug)-Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa dalka Masar uga digay dagaal uu Itoobiya kula galo biyaha wabiga Nile, kuna eedeeyey dalka Masar inuu taageero siiyo mucaaradka ku kacsan dowladda Itoobiya.
Meles oo la hadlayey Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay in dalka Masar aanu guul ka gaadhi-doonin dagaal uu la galo dalka Itoobiya.
Ra’iisal wasaare Meles ayaa tilmaamay inuu ku faraxsaneyn hadallada ka soo yeedhay dalka Masar, inkasta oo uu meesha ka saaray in Masar ay weerar qaawan ku soo qaadi karto dalka Itoobiya.
“Ka walwali maayo in ay Masaaridu si lama filaan ah u soo weeraraan Itoobiya… Majirto cid taas isku dayday oo ku guuleysatay,” ayuu yidhi ra’isulwasaare Meles.
Xidhiidhka dalalka Itoobiya iyo Masar ayaan caadi ahayn tan iyo intii uu billaawday qorshaha dib loogu eegayo heshiiska wadaaga biyaha wabiga Nile ee uu dalka Masar la galay gumeystihi Ingiriiska sanadkii 1929-kii.
Dowladda Itoobiya ayaa aaminsan in hashiiskii Masar iyo Ingiriiska ee wadaaga biyaha wabiga Nile aanu ka tarjumeyn baahida maanta ka jirta dalalka uu maro wabigani.
Hashiiskii Masar iyo Ingiriiska ayaa dalka Masar siinaya boqolkiiba 90 xuquuqda isticmaalka biyaha wabiga Nile, inkasta oo ay biyahan 85 boqolkiiba ka yimaadaan buuraha dalka Itoobiya, islamarkaana ay baahida biyo ee shacabka dalka Itoobiya sii kordhayso.
Ra’iisal Wasaare Meles ayaa tilmaamay in ay hadda u muuqdaan Masaaridu kuwa diyaar u ah in ay wajahaan xaqiiqda nolosha qarniga 21-aad, wuxuuna sheegay in maskaxdoodu wali taagan tahay meeshii nolosha qarnigi 19-aad.
“Wali Masaarida maskaxdoodu ka may dhaadhicin inay ku noolaanayaan qarniga 21-aad ama kii 19-aad,” ayuu yidhi Meles, isaga oo taas ula jeeday xaqiiqda ah in wali Masaaridu ku dhagan yihiin hashiiskii ay la galeen gumeystihii Ingiriiska, kaas oo ah mid xiligiisii laga tagay.
Dalalka Itoobiya, Kenya, Tanzania, Uganda iyo Rwanda, oo ka mid ahaa sagaalka wadan ee uu maro wabiga Nile ayaa bishii May saxeexay heshiis dib loogu eegayo qaabka loo wadaagayo biyaha wabiga Nile, heshiiskan oo loogu magacdaray Comprehensive Framework Agreement (CFA) ayuu dalka Masar ku tilmaamay mid dhalin doona cawaaqib xumo haddii la isku dayo in la dhaqangaliyo.
Dowladda Masar ayaa xiligaa sheegtay in ay dal kasta oo heshiiskaa meelmariya u aqoonsan doonto mid halis ku ah amaanka qaranka Masar, islamarkaana ay siin doonto jawaab deg-deg ah.
Dalalka Burundi iyo Congo oo markii hore qayb ka ahaa dalalka taageeray heshiiskan, ayaa markii danbe diiday inay saxeexaan, islamarkaana ka gaabsaday taageeradi ay markii hore u hayeen heshiiska CFA.
Dalka Sudan ayaa isagu taageeray go’aanka dalka Masar, halka dalka Eriteriya oo korjooge ka ahaa shirarka dalalka uu maro wabiga Nile uu ku dhiirigaliyey dalka Masar inuu qaado tallaabo ka dhan ah dal kasta oo heshiiska CFA hirgaliya.
Hubeynta mucaaradka Itoobiya
Ra’iisalwasaare Meles intii uu la hadlayey Reuters, wuxuu uga digay dowladda Masar in ay isku daydo in ay carqaladeyso amaanka dalka Itoobiya, iyadoo soo abaabulaysa kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Itoobiya.
“Haddaanu ka hadalno arrimaha ku aadan kooxaha mucaaradka ah ee la soo abaabulayo… waanu ka hortagi karnaa iyaga, si aanu uga dhigno waxaan suuroobayn in Masaaridu ka kaluumeysato biyo aan daganayn, sababta oo ah waxba tarayso [degenaansho la’aan ay ka faa’iideysato Masar],” ayuu yidhi Meles.
Dowladda Itoobiya ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay guud ahaan mucaaradka dalka ula heshiin lahayd, si meesha looga saaro fursad ay xukumadda Masar ku hesho mucaarad ay soo abaabusho, islamarkaana ay ku carqaladeyso degenaanshaha dalka Itoobiya.
Dowladda ayaa dhawaan hashiis buuxa la gashay ururka UWSLF iyo garab xoog badan oo kamid ah jabhadda ONLF, heshiisyadan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey shacabka deegaanka Soomaalida, dal iyo debada.
Shir uu madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, abaabulay oo ay ahayd in ay isugu yimaadaan madaxda dalalka uu maro wabiga Nile oo dhici lahaa bishan November, ayaa u muuqda mid aan qabsoomi doonin. Shirkii ugu danbeeyey ee dalalkaa ayaa lagu kala dareeray, waxaana shirkaa gudihiisa isugu hanjabay wasiirrada Biyaha ee dalalka Itoobiya iyo Masar.
Ra’iisulwasaare Meles ayaa tilmaamay in uu rajaynayo in Masaaridu fahmto in dagaal toos ahi aanu shaqayn doonin, mid dadbanna [mucaarad la isku soo hubeeyo], sidii barigi hore aanu isna waxba soo kordhinayn. Wareysiga ay Reuters la yeelatay ra’isulwasaare Meles ayaa ahaa mid aad u dheer, islamarkaana meelo badan taabanayey.
By: Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Males Zenawi Oo Ka Digay Dagaal Salka Ku Haya Wabiga Nile Oo Dhexmara Ethiopia Iyo Masar "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback