Boorama-(Lug)-C/Khaddar Maxamad Cabdi ayaa maalintii shalay ahayd gaadhsiiyay deeq xoolo ah maamulka dugsigaasi sare ee Boarding ah ee Geb kaasi oo C/khaddar Maxamad Cabdi
ugu tala galay nafaqo celin ardayda wax ka barata iyo waliba hawlwadeenada dugsigaasi sare ee jiifka ee Geb.
C/Khaddar Maxamad Cabdi oo ka mid ah ganacsatada magaalada Boorama ee gobolka Awdal gaar ahaan dalada Nafaqo ee fadhigoodu yahay magaalada Boorama ahna xubnaha ugu firfircoon hawlahaasi, sidoo kale waxaa uu ka war bixiyay xaalada guud ee dugsigaasi jiifka ah ee Geb waxaanu ku tilmaamay inuu yahay xarun wax barasho oo aad loogu oomanaa mudana dadkii aasaasay inay khabiiro ahaayeen madasha laga yagleelay halkaasi kana wada darsay dhanwalba hadii ay noqon lahayd dhanka caafimaad, dhanka cimilada, dhanka biyaha iyo waliba dhanka xidhiidhka oo aan kafogayn wadooyin waa wayni.
Sidoo kale waxaa deeqdani xoolaha ah ugu mahad ceshay C/khaddar Maxamad Cabdi uu gaadhsiiyay dugsiga, maamulka isla dugsigaasi geb waxaanay ku tilmaameen inuu qabtay C/Khadar Maxamad Cabdi wax lagu dayan karo isla markaana u horseeday ganacsatada gobolada Awdal iyo Salalba dadwaynaha ku dhaqan hadii ay noqon lahayd wax qabadka guud iyo deeqaha la gaadhsiiyo dugsigaasi yahay wax ugalaya ilaahay agtiisa.
C/Khaddar Maxamad Cabdi waxaa uu noqday ganacsadihii ugu horeeyay ee gaadhsiiyay deeq xoolo ah dugsigaasi Geb.
Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali ‘Indhoqurux’
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " C/Khadar Maxamad Cabdi Oo Deeq Xoolo Ah Gaadhsiiyay Maamulka Dugsiga Sare Ee Geb + Maamulka Dugsigaasi Oo Uga Mahad Celiyey Deeqdasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback