Boorama-(Lug)-Tababarkan oo ahaa mid ahmiyada gaar ah leh ayaa waxa uu ku saaabsanaa sidii waxloogu qaban lahaa isla markaana loo ilaalin lahaa xuquuqda caruurta dayacan eek u nool magaalooyinka waawayn. Tabarkan ayaa waxa ka qayb qaadanayay masuuliyiinta gobolka degmada qaybo ka tirsan ururada rayidka ah kuwa haweenka iyo ka qaybqaatayaal kale oo ka timid magaalada Berbera.
Tababarkan oo socday mudo 3 maalmood ah ayaa waxa maalgalisay hayada Save the Children waxana fulintiisa iska lahaa hayada wadaniga ah ee Havoyoco waxana mudadii uu socday casharo muhiim ah halkaasi ka soo jeediyay masuulka ugu sareeyay xafiiska hayada Havoyoco ee gobolka Awdal Mud. Ibraahim Siciid Cilmi.
Mudadan uu socday tabarku ayaa waxa ka soo qaybgalayaashu ay halkaasi ku barteen casharo iyo waayo aragnimooyin la halmaala waxyaabaha ugu wacan caruurta in ay noqdaan kuwo dayacma, macluumaadaka ku aadan dayaca caruurta iyo waxa sababa ee magaalooyinka Boorama iyo Berbera, shuruucda islaamka iyo kuwa caalamiga ah eek u aadan ilaalinta xuquuqda caruurta. Iyo sidii bulshada labadan magaalo loogu dhiiri galin lahaa in iyaga oo is kaashanaya ay noqdaan kuwo wax ka qabta isla markaana ilaaliya xuquuqda caruurta.
Mud. Ibraahim Siciid Cilmi oo ahaa macalinkii tababarkan isla markaana madax ka ah xafiiska Havoyoco ee gobolka Awal ayaa waxa uu sheegay in ay tababartayaashu mudadaasi 3da maalmood ah ee ay wada joogeen ay wax badan kala faa’iidaysteen. Waxa akale oo uu Mud. Ibraahim xusay in ay hayada Havoyoco tahay mid dadaal u gashay sidii ay u ilaalin lahayd xuquuqda caruurta, wxaana uu sheegay inay si fiican gacan uga gaysato taakulaynta caruurta agoomaha ah, ilaalinta xuquuqda caruurta danyarta ah iyo sidii ay waxbarashado u helilahayd caruurto.
Sarkaal ka socday hayada Save the Children oo iyadu maalgalisay tababarkani ayaa waxa uu ku celceliyay ahmiyada ay leedahay badbaadinta ilmaha darbi jiifka ahi, waxa kale oo uu xusay in dadaka ku nool magaalooyinka Boorama iyo Berbera hadii ay gacan qabataan oo ay badbaadiyaan hal ilmo ah oo darbi jiif ah inay la micno tahay badbaado dhamaystiran. Sarkaalkan I waxa kal eoo uu sheegay in ay hayada Save the Children ay tahay hayada dadaal badan u gashay ilaalinta xuquuqda caruurta ee dalka aoo dhan.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa ka hadlay xidhitaankii tababarkani, waxana uu sheegay in looga baahan yahay ganacsatada iyo qabaha kala duwan ee bulshada eehantida haysata inay noqdaan kuwo wax u qabta caruurta darbijiifka ah eek u dayacan gudaha magaalooyinka. Gud. Ku xigeenku waxa kale oo uu qiray in looga baahan yahay masuuliyiinta xukuumadu inay dadaalka koowaad ku bixiyaan sidii caruurta darbijiifka ah loo siin lahaa xaqqa ay leeyihiin ee ay siiyeen diinta islaamka iyo xeerarka wadanka iyo kuwa caalamiga ahiba.
Gudoomiyeku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ilaalinta xuquuqda caruurtu ay tahay arin mudan in laga wada qayb qaato, waxa uu ku dardaaray ka soo qayb galayaasha inay si balaadhan ugu gudbiyaan qaybaha kala duwan ee bulshada ahmiyada uu leeyahay tababarkani. Gudoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu carabaabay in bulshada uu xil balaadhani ka saran yahay ilaalinta xuquuqda caruurta iyo sidii bulshada looga dhigi lahaamid si ahmiyad mudan uga wada qayb qaadata ilaalinta xuquuqda caruurta oo ah jiilkii iska lahaa mustaqbalka umada.
Tababarkan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah leh aya waxa uu ku soo beegmay waqti ay magaalada Boorama ka socdaan dabaaldagyada loo wado xuska maalmaha caruurta aduunka.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lugahayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tababar Ku Saabsan Sidii Caruurta Dayacan Wax Loogu Qaban Lahaa Oo Hayada Havayoco Ay Ka Fulisay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback