dsc04708.JPGWeftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska,
 ayaa Maalintii Khamiistii ee bsihu ahayd 25, Nof,2010, waxa ay xarunta Baarlamaanka Ingiriiska kul qaabilay xubnaha Saaxiibada baarlamaanka Ingiriiska ay Somaliland ku leedahay oo uu horkacayo Md Alun Michael.

dsc04708.JPG

 Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xersi H Ali iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Ali Axmed Cali. 

dsc04709.JPG

Md Alun Michael oo ah Gudoomiyaha Guddida Saaxiibada Somailand ee Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn ah halkaasi ka soo jeediyay isago xusey in Madaxweyna Siilaanyo yahay saaxiib weyn oo muddo badan ay is yaqaaneen, sidaa daraadeedna uu si aada ugu faraxsan yahay booqashada madaxweynuhu ku yimid dalkan Boqortooyada Ingiriiska kuna bogaadinayo doorashadii xorta ahayd ee lagu soo doortay. Waxaanu ku ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo ingiriiska ka dhexeeya.

dsc04710.JPG

Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Siilaanyo waxa uu uga mahad celiyay dowlada Ingiriiska soo dhawaynta diiran ee uu kale kulmay iyo waliba taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu warbixin ka siiyay waxqabadkii 100 cisho ahayd ee xukuumadiisa, xaalada Somaliland iyo ta gobolka guud ahaanba, isagoo ka waramay dhinacyo badan sida natiijadii safardii madaxweynuhu ku tagay dalalka jaarka, nabadgalyada iyo mushkilada budhcad badeedka oo madaxweynuhu ku macneeyay xasaasi ah oo aanay sahlayn la dagaalankeedu.  

dsc04711.JPG

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka codsaday dowladda Ingiriisku in ay sidii ay awalba uga qayb qaadan jirtay doorashooyinka Somaliland ay gacan uga siiso doorashada baarlamaanka. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ay xukuumadiisa ka go’an tahay ka midho dhallinta geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland, inkastoo buu yidhi Golaha guurtidu muddo kordhin u sameeyaan baarlamaanka haddana wali waa laga wadahadayaa.

dsc04712.JPG

Wasiirada arrimaha dibadda & Iskaashiga caalamiga ah iyo Qorsheynta, ayaa iyaguna warbixino kooban ka siiyay Muadanayaasha, oo la xidhiidha hawlaha wasaaradahooda u qabsoomay iyo qorshayaasha ay ku tallo jiraan mustaqbalka dhaw.

dsc04713.JPG

Kullankaasi ka dib waxa madaxweynaha ay mudanayaashu weydiiyeen su’aalo la xidhiidha arrimaha Somaliland oo ay ka mid ahayd xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, taasi oo Madaxweynuhu cadeeyay in aanay wax xidhiidha la lahayn, isagoo Madaxweynuhu ku dheeraday halgankii dheeraa ee shacbiga reer Somaliland la soo galeen nidaamkii diktaatoorka ahaa ee dalka laga xorreeyay, sidaa awgeedna aanay madaxbanaanida Somaliland gorgortan gali Karin, maadaama ay shacbiga reer Somaliland qiimo weyn ugu fadhido.

dsc04714.JPG

Allah Mahad Leh

Hersi Ali H. Hassan
Chief Of Cabinet