golaha-wakiilada.jpgHargeysa-(Lug)-Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Fadhigii maanta Cod aqlabiyad leh ku Meelmariyey labada xeer ee Xadaynta Mushaharooyinka Golayaasha
 Qaranka Iyo Xeerka Mushahar U kordhinta Shaqaalaha iyo Ciidamada Dawlada.

Fadhiga maana oo ka qabsoomay Xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa waxa ka soo xaadiray 53 Mudane oo ka mida 82 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Walkiilada Somaliland, Fadhiga maanta ayaa waxa shir Gudoominyey Gudoomiye-ku xigeenka labaad ee Golaha Md.Baashe Maxmed Faarax.

 Markii uu kulanku furmay waxa uu Gudoomiyuhu ku wargaliyey mudanayaasha in la guda gali doono cod u qaadista laba xeer oo golaha hor yaalay oo kala ah : Xeerka Kala xadaynta Mushaha rooyinka Golayaasha Qaranka iyo Xeerka mushahar u kordhinta Shaqaalah iyo ciidamda Dawlada.

Intaasi ka dib waxa uu Goluhu gudo galay cod u qaadista xeerkaas, ugu horeeyay waxa codka loo qaaday Xeerka Mushar u kordhinta Shaqaalah iyo ciidamda Dawlada waxay u codu qaadistii u dhacady sidan:-

52 mudan ayaa u codeeyey xeerka, Cid diiday ma jiin, Cid ka aamustayna ma jirin, Gudoomiyuna ma codayn,Xeerkaasina sidaas ayaa ku ansaxay.

Gudoomiyaha ayaa xildhibaanada ku wargaliyey in ay u kala codeeyaan in Xeerka kala xadaynta Si duuduub ah loogu codeeyo iyo in qodob qodob loogu codeeyo,  waxa ay codayntaasi u dhacadysidan:-

45 mudane ayaa u codeeyey in si duuduub ah xeerka loogu gacantaago,3 mudane ayaa diiday, halka ay 8  mudane ayaa ka aamuseen. Gudoomiyuna ma codayn, waxaana lays ku raacay in si duuduub ahloogu codeeyo Xeerkaasi.

Intaasi ka waxa uu Gulhu gudagalay codaynta Xeerka Kala Xadaynta Mushaharooyinka iyo Gunada Madxweynha,  Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Madnayaasha (Guurtida Iyo Wakiilada), codka loo qaaday Xeerka u dhacady sidan:-

47 mudane ayaa u codeeye Haa, 4 mudne ayaa diiday , 1 madane ayaa ka aamusay Gudoomiyuna ma codayn,Xeerkaasina sidaas ayaa ku ansaxay.

RMS