Boorama-(Lug)-Raxan dhalinyaro ciyaartooy ah oo ka socotay magaalada Berbera kuna ciyaara magaca kastamka magaalada Berbera iyo kooxda magaalada Boorama ee midnimo
ciyaatrani ayaa ku bilabantay jawi wanaagsan farxadna galisay dhamaanba daawadayaashii ku sugnaa garoonka ku bada cagta ee Biroole ee magaalada Boorama.
Ciyaatani ayaa nooceedu ahaa mid mudo badan aanay ciyaarin ciyaartooyada magaalada Boorama iyaga oo ku marti qaadaya dhalinyaro dhigooda ah oo ka socota daafaha gobolada dalka laguna marti qaado garoonka ciyaaraha ee Biroole ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Ciyaartani qiimaha badnayd ayaa ku dhamaatay qaybtii hore waxba la aan labada dhanba waxaa la isla soo gaadhay qaybtii danbe ee tartanka ciyaarta taasi oo dhxmaratay dhalinyarada kor ku xusan taasi oo mudadii ay socotay qaybteedii danbe 20 minutes ayaa la haleeshay kooxda ku bada cagta ee Midnimo kuwaasi oo ahaa dhalinyarada marti galisay ciyaartooyada ka socotay magaalada Berbera gaar ahaan kastamka magaaladaasi waxaanu ku aadiyay shabaga goolka kooxda kastamka Berbera Axmad Nuur Yoonis “Heego” una ciraayay kooxda Midnimo ee magaalada boorama waxay ciyaartu sii dulundulcaysaba waxaa hadana mudadii ku dhawaadka gab gabada ciyaartani ayaa la haleelay isla goolka kooxda kastamka magaalada Berbera C/Wahaab Maxamauud Yuusuf “Darajo” waxaanay ku dhamaatay ciyaartu laba gool iyo waxba la aan halkaasi oo ay guushu ku raacday kooxda kubada cagta ee Midnimo ee ku marti qaaday dhalintani.
Sidoo kale waxaa garsoorka ka ahaa tobobaraha xulka gobolka Awdal Samaroon C/laahi Cilmi kaasi oo ku hagay nadaam wanaag iyo cadaalada garsoor.
Dhanka kale waxaa ay dhamaanba ciyaartooyada ka socotay magaalada Berbera uga mahad naqeen sidii qiimaha lahayd ee ay ugu soo dhaweeyeen guud ahaanba magaalada Boorama.
Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali-(Indhoqurux)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Koox Ciyaartoy Ah Oo Ka Socotay Berbera Iyo Koox Ka Mid Ah Kooxaha Boorama Oo Oo Tartan Ciyaareed Ku Dhexmaray Garoonka Biroole + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback