Hargeysa-(Lug)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay Wasaarada Caafimaadka, isaga oo dhinaca kalena madaxweyne-ku-xigeenku hakiyey dhismaha dayrka hore ee Tiyaatarka Hargaysa oo maalmihii u dambeeyey muran ka taagnaa.
Xaflad ballaadhan oo loo qabtay furitaanka dhismahaas oo lagu qabatay xarunta wasaarada caafimaadka, waxa ka soo qayb galay Madxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog), Wasiirka Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxmed Ibraahim Madar, Wasiirku-ku-igeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Madaxa Hay’ada UNICEF ee Somaliland Iyo Somalia Rozane Cholton , Guddoomiyiha Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji Cabdillaahi Cumar (Xamarje), saraakiisha Wasaarada Caafimaadka iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Illaahay baa mahad leh waxa ii farxad ah inaan xadhiga ka jarno dhismahan quruxda badan leh ee ay fulisay Hay’adda UNICEF, waxaanan u mahad naqaynaa Hay’adaasi iyo gabadha madaxda u ah. Runtii UNICEF hawsha ay Somaliland u haysaa waa mid laf dhabar ah mudadii ay Somaliland jirtay waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay ka shaqaysaa uu yahay caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada. Waxa laga yaabaa inaanay in badan dadweynuhu dareemin waxqabadka hay’adaha. Waxaan leeyahay waxqabadkiinii wuu muuqdaaye’ halkaasi ka sii wada oo waliba waxaanu idinka quudaraynaynaa inaad sii laban laabtaan.oo aad meesha ka saartaan mashaariicdii horumarinta oo aad noo hirgelisaan mashaariic waaweyn oo waxtar leh.”
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumed Maxamed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Ha’yada UNICEF oo wasaaradiisa kala shaqaysa horumarinta adeegyada bulshada waxaanu xusay inay dawooyinka siiso 80 xannaanooyinka MCH-yada ah oo ku yaala gobolada dalka oo dhan waxaanu yidhi “Aad ayaanu ugu faraxsan nahay dhismahan cusub ee wasaaradda caafimaadka lagu soo kordhiyay. Waxaan halkan ka sheegayaa in hay’adda UNICEF ay tahay laf-dhabarta wasaarada caafimaadka waxaanay dawada siisaa 80 MCH iyo 160 goobo caafimaad. Waxay nala qabataa tallaalka oo ay keento talaagadaha qaboojiyeyaasha ah iyo kharashka tallaal fidintaba. Waxa kale oo ay wax weyn ka tartaa mashaariic wax lagaga qabanayo nafaqaynta carruurta.”
Waxa kale oo uu Wasiirku si qoto dheer uga waramay adeegyada kale ee ay iska kaashadaan Hay’adda UNICEF.
Waxa kale oo ka hadlay xafladaasi madaxa Hay’adda UNICEF ee Somaliland/Somalia oo sheegtay inay ka go’an tahay inay sii wado wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaarada Caafimaadka.
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Md. Axmed Cumar X. Cabdillaahi.
Kadib markii madaxweyne-ku-xigeenku furay dhismaha wasaarada caafimaadka lagu kordhiyey, waxa uu kormeer ku gaadhay dhismaha ka socda tiyaatarka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen, Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, iyo Maayarka Caasimada,waxaanu Madexweyne ku-xigeenku si kumeel gaadh ah, u hakiyay howsha dhismaha kasocda deyrka hore ee Ex Tiyaatarka Hargeysa, isagoo masuuliyiinta ammaanka guud ahaanba ku amray in ay joojiyaan dhismahaasi, oo hadal koobani ka yimid, waxa kale oo uu kula dardaarmay dad raiyd ah oo ka cabanayay dhismaha deyrka hore in ay howshaasi la wareegtay xukuumadu, oo ay faraha kala baxaan inta amar dambe lagu fasaxayo .
Jamhuuriya Online


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " M/Weyne-Ku-Xigeenka S/land Eng.Saylici Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyay Wasaarada Caafimaadka Isla Markaana Hakiyey Dhismaha Laga Wado Dayrka Hore Ee Tiyaatarka Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback