Hargeysa-(Lug)-Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa fadhigoodii Shalay waxa ay cod aqlabiyada ku ansixiyeen xeerka kala xadaynta mushaharooyinka iyo gunnooyinka Madaxweynaha iyo Madexweyne ku xigeenka iyo Goleyaasha xeer dejinta [Wakiilada iyo Guurtida].
Fadhigan maanta oo uu shir-guddoominayey ku simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas Md Baashe Maxamed Faarax [Baashe-cade], isla markaana madasha ay ka soo xaadireen 53 mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay aqalka Wakiiladu, mudanayaasha Wakiilada oo xeerkani in muddo ah-ba hor-yaalay, isla markaana uu khilaaf badan ka dhex-dhaliyey mudanayaasha tuhuno fara badana ku riday shacabka reer Somaliland ka dib markii warar khaldan loo sheegay oo lagu sheegay in Golaha Wakiiladu iyagu mushaharooyinka isku kordhiyaan, halka ay uga kordhin lahaayeen ciidamada iyo shaqaalaha dawlada.
Waxaana xeerkan meel marintiisa oggolaaday 47 mudane, halka uu ka diiday 1 mudane, 4 kale-na ka aamuseen Guddoomiyuhu-na aanu codayn. Sidaas ayuuna ku ansaxay xeerkani.
Waxa kale oo mudanayaashu fadhigan ku ansixiyeen korodhsiimo ay u sameeyeen mushaharka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada kala duwan ee dalka, taasoo ay fareen xukumada inay fuliso.
Qodobka shanaad ee xeerka
Xeerka Kala xadaynta mushaharooyinka iyo gunooyinka Madaxweynaha iyo Madexweyne ku xigeenka iyo Goleyaasha xeer dejinta [Wakiilada iyo Guurtida], waxaa uu odhanayaa waxa ay xaq u leeyihiin mushahar iyo gunooyin joogto ah oo bile ah.
Qodobka afaraad xeerka
Mushaharka, gunooyinka Madaxweynaha iyo Madexweyne ku xigeenka Somaliland, waxa xeerkani u xadaynayaa mushaharooyin iyo gunooyin kala ah:
a) Mushaharka Madaxweynaha wuxuu bishiiba noqonayaa SL SH. 45, 500,000
b) Gunada xilka ee Madaxweynuhu waxa ay noqonaysaa bishiiba SL SH. 22,750,000
Isugaynta guud waa SL SH. 68,250,000 taasi oo u dhiganta Dollar ahaan ($11,767.24)
a) Mushaharka Madaxweyne ku xigeenku wuxuu noqonayaa bishii SL SH. 32,500,000
b) Gunada xilka ku xigeenka Madaxweynuhu waxa ay noqonaysaa SL SH. 16,250.000
Isu gaynta guud waa SL SH. 48,750,000 taasi oo u dhiganta Dollar ahaan ($8,405.17)
Qodobka lixaad ee xeerku wuxuu odhanayaa sidan:
Hantida dawlada iyo kharashka maamul siyaasadeedka [political fund] ee ay ku shaqaynayaan kuna dhaqmayaan, hawlaha qarankana ku fulinayaan Madaxweynaha ku xigeenkiisu ee ka baxsan mushaharka iyo gunooyinka lagu sheegay xeerkan, waxa lagu cadaynayaa miisaaniyad sannadeedka qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Qodobka todobaad ee xeerka.
Mushaharka iyo gunooyinka goleyaasha xeer dejinta Somaliland [Wakiilada iyo Guurtida].
Xadaynta mushaharka iyo gunooyinka mudanayaasha goleyaasha xeer dejinta Guurtida iyo Wakiilada wuxuu noqonayaa sida tan:-
a) Guddoomiyaha Golaha Guurtida mushaharkiisu wuxuu noqonayaa bishiiba SL SH. 6,500,000
b) Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu yeelanayaa gunno xil bishiiba oo dhan 3,250,000
c) Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu yeelanayaa gunno guri bishiiba SL SH. 3,250,000
Isu gaynta guud ee mushaharka, gunnada iyo gunno guriyeedka Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waa SL SH 13,000,000. Taasi oo u dhiganta Dolar ahaan ($2,241.37)
a) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada mushaharkiisu wuxuu noqonayaa bishiiba SL SH 6,500,000.
b) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuu yeelanayaa gunno dhan bishiiba SL SH. 3,250,000.
c) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuu yeelanayaa gunno guri bishiiba SL SH. 3,250,000.
Isu gaynta guud ee mushaharka, gunnada iyo gunno guriyeedka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waa SL SH 13,000,000. Taasi oo u dhiganta Dolar ahaan ($2,241.37)
a) Afarta Guddoomiye ku xigeen ee Goleyaasha sharci dejinta [Wakiilada iyo Guurtidu] mid kastaaba wuxuu yeelanayaa mushar bishiiba SL SH 6,500,000.
b) Afarta Guddoomiye ku xigeen ee kor ku xusani mid kastaaba gunno xil bishiiba SL SH 1,950,000.
c) Mid kastaaba wuxuu yeelanayaa gunno guri bishiiba SL SH 1,950,000.
Isu gaynta guud mid kastaaba wuxuu yeelanayaa SL SH 10,400,000 taasi oo u dhiganta midkiiba Dollar ahaan ($1,793.10).
Qodobka sideedaad ee Xeerka.
Mudanayaasha Goleyaasha Xeer-dejinta [Guurtida iyo Wakiilada], mudane kastaa wuxuu yeelanayaa.
a) Mushahar dhan bishii-ba SL SH. 6,500,000.
b) Gunno guri oo dhan bishii-ba SL SH 1,625,000.
Isu gaynta guud mudane kasta wuxuu yeelanayaa bishii-ba SL SH 8,125,000. Taasi oo u dhiganta Dollar ahaan ($1,400.86)
Qodobka sagaalaad ee xeerka.
Xubno sharafeed-yada Golaha Guurtida Somaliland ku jira ee dastuurka qaranku cadeeyey waxa ay la xuquuq yiiin mushaharka iyo gunnooyinkaba mudanayaasha kale ee xeer-dejinta ee Golaha Guurtida.
RMS


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaad Filaysaa In G/Wakiiladu Ka Dhigeen Mushaharka + Gunnooyinka M/weynaha, Ku Xigeenkiisa iyo Goleyaasha Sharci-dejinta? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback