Jigjiga-(Lug)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminaayo oo ay ka mid yahiin Wasiirka Kalluumaysiga
Dr. Maxamed Yaasiin, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Taliyaha ciidamadda Booliiska Somaliland Col.Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) iyo saraakiil ka tirsan haayadaha sirdoonka iyo Booliiska Somaliland.
Wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa markii ay soo galleen gudaha magaalada Jigjiga waxaa kolonyo Baabuur ah kaga hortagay Madaxweynaha Dawladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar waxaana isla maantaba ay Wefdiga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Gaboose uu kulano la yeeshay Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Mud Cabdi Maxamuud Cumar kulankaasi oo ka dhacay xarunta maamulka ee magaalada Jigjiga ayaa ugu horayn waxaa hadal dheer oo soo dhawayn ah ka jeediyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud oo aad iyo aad u ammaanay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inay xidhiidh sokeeye oo aad u dhaw ay leeyahiin Madaxweynaha Maamulka Soomaalidu wuxuu sheegay in ay labada shacab ee labada dhinac ay yahiin qaar isku dan ah oo isla markaana ay muujin doonaan kalsooni iyo isku duubni ay kaga wada gudbaan ayuu yidhi caqabadaha labada shacab la soo gudboonaada.
Madaxweyne Cumar wuxuu ammaan u jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu sheegay in isaga iyo xukuumadiisu ay gacan weyn siiyeen maamulka Soomaalida Ethiopia iyo shacabkoodaba sidii ay uga hortagi lahaayeen wuxuu ku tilmaamay kooxo nabad diid ah oo dhibaato ku haya danta dadka walaalaha ah ee labada dhinac dega, dhinaca kalana Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha DDS sida quruxda badanleh ee loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS, wuxuuna sheegay in ay ka shaqayn doonaan isku xidhka iyo walaalaynta labada shacab ee labada dhinac.
Mudane Gaboose wuxuu sheegay in isbedelkii ka dhashay Somaliland uu horseed u noqday in la helo ayuu yidhi jiil cusub iyo siyaasad cusub oo ka soo baxday Somaliland oo hormood u noqotay in la helo gobolka geeska Afrika oo dadka ku wada nooli ugu naalooda nabadgelyo iyo xasilooni isla markaana dhaqanka bulshooyinku ay noqdaan qaar xudun u noqda isku socodka ganacsiga iyo isdhaxgalka bulshada ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Wefdigani uu hogaaminaayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ee hadda socdaalka ku jooga magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia ayaa ah kii ugu horeeyey ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay booqasho ugu tagto dhinaca iyo ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia tan iyo markii ay xilka la wareegeen afar bilood ka hor, waxaana tani ay ka danbaysay booqashadii dhawaan Madaxweyne Siilaanyo uu ka mid ahaa Wasiir Gaboose ee ay booqashada ku tageen magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Addis ababa kulankana ula yeesheen Ra´sal wasaaraha Ethiopia Meles Senawi.
HWN






Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirka Arr. Gudaha S/land Dr.Gaboose iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Mag.Jigjiga Ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Lana Kulmay Madaxweynaha DDS "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback