Hargeysa -(Lug)-Fadhigii golaha wakiilada ee saaka ayuu buuq iyo sawaxan hadheeyay ka dib markii ay mudanayaal gaadhaya 29 xubnood ay soo dhigeen mooshinka xilka lagaga qaadayo Shirguddoonka golaha wakiilada.
Fadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa guud ahaanba hakad galay ka dib markii ay gacmaha isula tageen mudanayaal taageersanaa mooshinkan iyo kuwo ka soo horjeeday.
Mooshinkan oo sida ay mudanayaasha soo jeediyay ay ku doodayaan dadka ku saxeexani ay yihiin 29, balse ay tiradu gaadhayso ilaa afartan xildhibaan.
Waxaanay mudanayaasha u cuskadeen maamuus ka xayuubinta shiguddoonka golaha wakiilada in ay ka gaabiyeen hawlihii ay u xil saarnaayeen isla markaana ay ka marin habaabeen dariiqii saxda ahaa.
Ma cada sababta ay xilligan ugu soo beegeen xeerkan, iyada oo shalay uun ay cod qaadeen xeerkii kala xadaynta mushahaarooyinka oo ay doodiisa isku faro saareen mudanayaal tiradoodu ay dhamayd lix, kuwaas oo ku kala aragti duwanaa.
Si kastaba ha ahaatee mudanayaasha golaha wakiilada oo uu xilkoodu yahay mid muddo dhaaf ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay talaabooyin cadho geliyay dadkii soo doortay ku dhaqaaqay.
HWN


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Mooshin Xilka Lagaga Xayuubinayo Shirgud-oonka G/Wakiilada Oo Maanta Hakad Galay Ka Dib Markii Ay Gacmaha Isula Tageen Mudanayaal Taageersanaa Mooshinkan Iyo Kuwo Ka Soo Horjeeday "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback