Boorama-(Lug)-Xoghayaha fulinta maamulka   G/Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare ayaa maanta aqoon isweydaarsi ku saabsan aragtida diinta islaamku ka qabto gudniinka fircooniga ka furay Hutel Rays  ee magaalada Boorama .

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qayb qaadanayaan  in ka 40 xubnood oo ka mid aha culimada diinta ee Boorama ayaa waa soo qabanqaabisay Jaamacadda Geeska fadhigeeduna yahay Hargeysa  qaybteeda cilmi baadhista iyo wacyigelinta bulshada.

Guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda  Geeska Amiin Muxumed Diiriye  oo ka hadlay  munaasabadda f furitaanka aqoon isweydarsigan  ayaa sheegay inuu yahay kuwa ay soo qabanqaabisay  qaybta cilmi baadhista Jaamacaddaasi looguna talogalay wacyigelinta  bulshada  ee ku saabsan aragtida diinta  islaamku ka qabto arimaha bulshada wixii u dan ah sidii ay ula jaanqaadi lahayd, isla mrkaana loogu hagi lahaa inaysan diinta islaamku ahayn mid meel ku xidhan, isla markaana  looga faa’iideyn lahaa bulshada.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale culimada ka qaybgelaysa aqoon isweydaarsigan ku   waaaniyey inay culuunta ay ka kordhsadaan aqoon isweydaarsigan ku dabbaqaan bulshada  ila markaana laga dhaadhiciyo in gudniinka fircooniga ahi yahay caado gabowday oo dhibaato u  leh gabdhaheenna iyo haweenka guud ahaanba waxna u dhimaysa caafimaadkooda .

Isuduwaha wasaaradda diinta iyo Awqaafta G/Awdal Sheikh Xaamud Nadiif  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aqoon isweydaarigan oo kale uu yahay mid bulshadu u baahan tahay bal ay ku yartahay  helintaankoodu, lana sii badiyo kuwa la mid ah, sababto ahbuu yidhi waa mid taabanaya nolosha bulshada si looga baxo jahliga iyo gudniinka fircooniga ah.

Sh.Cali Aadan Nuur loona yaqaanno   Sheekh Cali Dheere oo  halkaasi ka hadlay  ayaa si qotodheer uga warbixiyey   sida diinta islaamka uga soo horjeedo caadooyinka xunxun looguna baahan yahay in la helo dad muslimiin ah oo oo haween ah kana caafimad qaba cudurada haweenku ka qaadaan gudniinka fircooniga ah, isagoo aqoon isweydarsigani ka mid yahay kuwa aadka u yar ee culimada  diinta Boorama fursadda u heleen  lana sii badiyo.

Aqoon isweydaarsigan oo ay ka qaybgeleyaan ama casharro ka bixinayaan culimaauddiin u dhalatay dalka Soodaan , waayo aragnimo iyo khibradna u leh   diinta, dhaqanka iyo  culuunta  kaleba  ayaa ah kii saddexaad ee Booama lagu qabto ayaa ah kii saddexaad ee Boorama lagu qabto.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama