boorama-culimada-diinta-7.JPGBoorama-(Lug)-Agoon iswaydaarsi cilmiyaysan oo lagu gorfaynayay diinta islaamka iyo waxa ay ka qabtogudniinka ficooniga ah ayaa mudo 3 maalmood ah uga socday hotel Rays ee magaalada Boorama imaamyada masaajida magaalada Boorama, iyo hogaamiyayaasha markasyada diiniga ah iyo malcaamadaha ee isla magaalada Boorama. Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxa soo qabanqaabisay Jaamacadda Geeska ee magaalada Hargaysa waxana casharadaasi mudadii uu socday bixinayay mutaclimiin ka socotay dalka Suudaan, iyada oo ay maalgalisay hayada UNICEF.

boorama-culimada-diinta-1.JPG

Sh. Cali Aadan oo isagu ah imaamka masjika Jaamac al-Taqwa ee magaalada Boorama oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii tababarkan hogaanka u haysay ayaa ka waramay ahmiyada uu leeyahay tababarkani waxana uu xusay in ay lagama amaarmaan tahay in wadaadada diinta iyo culimada kale eek u sugan gudaha Boorama la isku keeno si loo gorfeeyo sida ay diinta islaamku mawqifka cad uga qaadatay gudniinka fircooniga ah.

boorama-culimada-diinta-2.JPG

Sh. Cali Aadan waxa kale oo uu sheegay inloo baahan yahay in culimadu maadaama oo ay yihiin xilidayaal muhiim ah ay fariimaha ku aadan sidii bulshada looga wacyi galin  lahaa gudnaiinka fircooniga ah ay u guntadaan, waxana uu intaasi daba dhigay in ay waajib cidwalba saran tahay in gabadha muslimada ah laga yeelo sida uu eebe ka yeelay oo ah in laga badbaadiyo waxwalba oo wax u dhimaya caafimaadkeeda iyo caqligeedaba.

boorama-culimada-diinta-3.JPG

Kulankan ayaa mudadaasi uu socday waxa kale oo ku lamaanaa casharo ku saabsan sida uu gudniinku caafimaad ahaan u waxyeleeyo bulshada iyo haweenka iyada oo ay casharadaasi bixinayeen Dhakhaatiir takhasus ah ayaa waxa ay soo bandhigeen in dhibaatada caafimaad ee uu gudbiinku u gaysto haweenka ay tahay mid aad u balaadhan oo haweenka dhaxalsiisa marrarka qaar dhimasho.

boorama-culimada-diinta-4.JPG

Waxa kale oo la iskula gorfeeyay kulankaasi in dhaqanka soo jireenka ah ee bulshada ee gudniinka salka ku hayaa inuu yahay mid ka yimid meelo aan wanaagsanayn isla markaana looo baahan yahay in bulshada laga wacyigaliyo ka tagida caadooyinkaasi xunxun.

boorama-culimada-diinta-5.JPG

Kulankana yaa gaba gabadiisii waxay culamadii ka soo qayb gashay balan qaadeen inay dadaal xoogan u gali doonaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen fariimaha muhiimka ah ee gudniinka ka soo horjeeda bulshada inteeda kale. Waxana hubaal ah in culimada diintu ay yihiin lafdhabar aad u muhiim ah  oo inta badan kaalin wayn ka qaata sidii bulshada looga wacyigalin lahaa waxyaabaha dhibaatooyinka u keeni kara.

boorama-culimada-diinta-7.JPG

boorama-culimada-diinta-8.JPG

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama