sohura-1.JPGBoorama-(Lug)-Hayada wadaniga ah ee Sohura ayaa gaadhsiiyay lacago dayn ah dumarka gacasatada ah ee ku dhaqan magaalooyinka tirsan gobolada Awdal iyo Salal 
 lacagahaasi oo lagu kabayo gacansigooda  iyo wacyi galin ka barbarsocotay oo lagaga hadlayay sidii looga gaashaaman lahaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ka  oo isgauna  ay ka hergaliyeen  guud ahaanba dagmooyinka ay gaadhsiiyeen.

sohura-1.JPG

Hadaba hayada wadaniga ah ee Sohura  ayaa ka bilawday mashruucani  caasimada gobolka Awdal ee magaalada Boorama  taasi oo  ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinta dawlada hoose ee magaalada Boorama, oday dhaqmeedyo,  waxgaradka,  aqoonyahano iyo masuuliyika socotay Sohura.  

sohura-2.JPG

waxaanay munaasibadaasi soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka magaalada Boorama Md.Muumin Gadiid Cumar,  mashruucani oo loogu magacdaray PROMOTION AND ESTABLISHMENT OF MICRO-ENTERPRISE FOR WOMEN.

sohura-3.JPG

kor u qaadidada  haweenka ganacsatada, intaasi kadib waxaa ay ugu sii anbabaxeen  magaalada Baki oo ka tirsan  gobolka Awdal iyaga oo kawada hasha halkii looga baahnaa isla mar ahaantaasina aanu ka maqnayn wacyi galinta  sidii looga gaashaaman lahaa cudurka dilaaga aha ee HIV-ga  halkaasi oo uu ka hadlay  madaxa mashaariiicda Cabdiqaadir Cali Bade uguna baaqay dadwaynaha  reer Baki inay ka faa’iidaystaan mashruucani oo ah mid lagu  kobcinayay ganacsatada yaryar lagana wada faa’iidaysto arinkani.

sohura-4.JPG

Sidoo kale waxaa ay ugu sii anbabaxeen magaalada Dila oo ka tirsan degmada Baki, Lughaya, Gargaara Bari, Saylac iyo Boon, waxaana ka faa’iidaystay tiro dhan 200  oo qof oo kula dhaqan magaalooyinka Boorama, Baki, Boon, Dilla , Gargaara Bari, Lughaya iyo Saylac, waxaana  maalgalisay haayada U.S DEPARTMENT OF STATE FEDERAL ASSISTANCE AWARD ee fadhigeeda yahay Nairobi.

sohura-5.JPG

Ugu danbayna waxaa  uu Agaasimaha HayadaSohura  Mukhtaar Osman Abdi uga mahadnaqay dhamaanba  maamulka dagmooyinka kor ku xusan iyo  masuuliyada ay ku ladhnayd xilkasnimadu  ee ay ula fuliyeen mashruucan isaga ah.

sohura-6.JPG
sohura-7.JPG
sohura-8.JPG
sohura-10.JPG
sohura-11.JPG
sohura-12.JPG
sohura-13.JPG
sohura-14.JPG
sohura-16.JPG

Wariye:-
 Yuusuf Cabdi Cali “Indho-qurux”
Lughayanews-Boorama