Boorama-(Lug)-Wafdi ka kooban masuulyiinta beesha Dhulbahanate kaga jira golayaasha qaranka ayaa shalay ku waaberiistay Boorama  .

Wafdigan oo u hogaaminayey La Taliyaha madaxweynaha Fu’aad Aadan Cadde isla markaana ay la socdaan xubno ka kala tirsan golayaasha guurtida iyo wakiilada ayaa markii ay Boorama soo gaadheen waxay kulan la yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda ee gobolka Awdal.

Wafdigan ayaa makii ay soo gaadheen magaalada kulan gaar ah la qaatay masuuliyiinta amniga ee gobolka kana waraystay sida ay dhaceen  gacan ka hadalkii iyo dhibaatadaii soo kala gaadhay qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda cammuud  ee kasoo jeeday beesha Dhulbahante iyo kuwa reer Boorama .

Kulankan oo ay masuulyiinta ku wehelinayeen qaar ka mid  ah odayaasha beesha, masuulyiin ka socotay jaamacadda Cammuud  oo uu ka maqnaa guddoomiyaha jaamacadaasi, Taliyaha Booliska, kan sirdoonka iyo Saraakiil kaleba.

Kaddib xogwaraysigaasi ayaa wafdigu u ambabaxay Jaamacadda Cammuud  halkaasoo ay kusoo eegeen Ardayda ka kala timid gobolada dalka, gaar ahaanna kuwa kasoo beesha Sool, ka dibna waxay wafdiga Fu’aad Aadan Cadde hogaaminayey kulan la qaatay qaybaha dadweynaha iyo dawladda ee ay khuseysay dhibaatadii ka dhex dhacday dhallinyarada labada dhinac  .


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama