Boorama-(Lug)-Wafdi ka kooban masuuliyiinta  dhinaca amniga  iyo ismaamulka dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya ee Degmada Aw Barre iyo kuwa ka socday  maamulka Boorama iyo kuwa amniga ee degmooyinka hoos yimaadda  Gebilay ayaa shalay markii saddexaad kulan ku yeeshay magaalada .
 
Wafdigan oo uu Hogaaminayey Guddoomiyaha degmnada Aw Barre  ayaa waxa Boorama kusoo dhaweeyey   Maayarka Boorama  Cadi Shide Bile iyo xoghayaha daladda Hoose C/Naasir Maxamuud Qawrax  ayaa markii ay soo gaadheen Boorama labada dhinac kaga warrameen  arrimaha kulankooda , kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid la xidhiidha xoojinta iyo wada shaqaynta dhinaca amniga , socdaalka, ganacsiga iyo arrimaha kale ee laba dhinac ku yimaadda .

Taliyayayaasha Booliska Boorama, Gebilay, Wajaale, Allaybaday  ee dhinaca Somaliland iyo  Taliyayaasha laamaha amniga, socdaalka  iyo cashuuraha ee hoos yimaada maamulka Aw barre  ayaa gelnkii dambe kulan gaar ah ku yeeshay magaalada, iyagoo labada dhinacba  aan wax tafaasiil ah ka bixin  kulankan oo  ay sheegeen inuu yahay kii saddexaad ee dhex mara.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama