Boorama-(Lug)-Nadwadan oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen Maamulka jaamacada Eelo iyo Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa shalay ka dhacday hoolka dugsiga sare ee sh. Ali Jawhar ee magaalada Boorama.
Nadwadaa oo uu cinwaankeedu ahaa “doorka dhalin yarada ee bulshada” ayaa waxaa khudbado xiiso leh halkaa ka soo jeediyay culumada magaalada oo ay horkacayeen Sh.Cilmi Muxummed (Naxwe), Sh. Maxamed Bile, Iyo Sh.Maxamed Farah.
Culimadu dhamaantood waxay ku booriyeen ardayda inay waxbarashadooda iyo xirfadaha ay baranayaan ay ku anfacaan diintooda, dalkooda, dadkooda iyo danta guud arday walibana uu dalkiisa uu kusoo kordhiyo wax anfaca.
Culimada waxay soo qaatay doorkii dhalintu ay ku lahayd Islaamka gaar ahaan asxaabtii is garab taagtay rasuulkeenii Mohammed (SCW). Waxaa kale oo ay ardayda ku booriyeen in ka fogaadaan dhaqan xumada, kuna dadaalaan barashada cilmiga diiniga iyo ku dhaqankiisa.
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Prof.Khadar Abdi Khayre ku simaha gudoomiyaha jaamacada Eelo American University oo isaguna u mahad celiyay gudida iyo culimada ardaydana ugu baaqay in ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta dhaqanka wanaagsan iyo in ay noqdaan hormood muuqda loo soo hiigsado bulshada dhexdeeda .
Waxaa kale oo uu sheegay inay tahay jaamacada qorsheheeda in semistar walba ay qabtaan nadwa caynkan oo kale ah. Ugu danbayn waxaa soo xidhay nadwada gudoomiyaha gudida Sh.Diiriye Dahir Wacays.
Mahamoud Sh.ibrahim Muse


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ardayda Jaamacada Eelo American University Oo Nadwo Diini Ah Loo Qabtay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback