qaws.JPGBoorama-(Lug)-Masuuliyiinta isbitaalka Fiistula ee magaalada Boorama ayaa maanta sagootiyey haween ka kala yimi daafaha dalkii la odhan jiray Soomaaliya
 kaddib markii muddo bil ka badan ay isbitaalkaasi u joogeen daaweyn .

qaws.JPG

Dr.Siciid Axmed Walhad iyo Dr .Ibraahim Siciid Qaws oo maanta sagootis ah ku qabtay isbitaalkaasi ayaa haweenkaasi ugu ducaayey in ilaahay si nabadgelyo dhulkii ay ka yimaadeen ugu celiyo, iyagoo u ballanqaaday inay la socon doonaan xaaladooda caafimaad .

gabadh.JPG

Ku dhawaad 16 haweenka ah oo maanta loo sameeyey  kulankan sagootiska ah ayaa qaarkood sheegeen in xanuunada laga daaweeyey ay qabeen muddo ka badan labaatan sannadood, halka kuwa kalena sheegeen inay qabeen in ka badan toban sannadood iyadoo doorkan daaweyntan qalliinka isbitaalkaasi ay ku jirtay gabadh  da’deedu ka yarayd toban sanadood .

haween.JPG

Munaasabaddan maanta lagu sagootiyayey haweenkaasi isugu jiray hooyooyinka iyo gabdhahaba ayaa waxa goobjoog ka ahayd masuulyiin ka socotay ururka SAWA kaasoo haweenkaasi ka keenay gobolada  Soomaaliya .

hawwweeen.JPG

Masuuliyiintii iyo haweenkii halkaa ka hadlay ayaa dhammaatod u mahadceliyey HAY’ADDA SAWA, taasoo soo gaadhsiisay isbitaalka Boorama  halkaana loogu sameeyey qalliin iyo daaweyn aan laga qaadin wax lacag ah.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama