Boorama-(Lug)-Masuulyiinta G/sool kaga jira Xukuumnadda Axmed  Siilaanyo  madaxdhaqameedyada iyo maamulka dawladda  ee g/Awdal ayaa soo afjaray khilaaf ka dhashay  gacan ka hadal  afar  maalmood ka hor
 Boorama ku dhex maray  qaar ka mid ah dhallinyarada degaanka Boorama iyo kuwa ka mid ah arday kasoo jeedda G/sool oo wax ka barata Jaamacadda Cammuud .

Kulan ay u dhamaayeen masuuliyiinta g/Awdal iyo kan degaanka Boorama  Salaadiin , Cuqaal iyo wafdigii uu horkacyey La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo ay la socdeen xildhibeenada guurtida iyo wakiilada kaga jira xukuumadda Axmed Siilaanyo. laguna qabtay hool weyn oo ku yaal magaalada Boorama ayaa waxa lagaga hadlay dhibaatooyinka ka yimid iska hor imaadka dhalinyaradaasi, dhaawacyadii ka dhashay iyo  falalkii argoosiga ahaa kuwaasoo lagu tilmaamay inay ahaayeen dhegxumo usoo hoyatay reer Boorama iyo reer Somaliland sidaa darteedna loo baahnaa in degdeg loo qabto.

Gudfoomiyaha G/awdal Maxamed Daahir Cabdalle oo munaasabadda xidhitaanka kulankaasi ka hadlay ayaa ergooyinka u yimi xal u helidda falkani uga mahadceliyey siday u furdaamiyeen unasoo celiyeen sumcaddii Boorama ku lahayd wada noolaashaha dadweynaha ka kala yimi gobolada dalka iyo tan jaamacadda Cammuudba .

La taliyaha madaxwaynaha  arrimaha bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa reer Boorama uga mahadceliyey siday usoo dhaweeyeen, isla markaana ugala qayb qaateen soo celinta  xidhiidhka dhallinyarada degaanka, kuwa jaamacadda  iyo kuwa reer Soolba, isagoo dhinaca kalena la taliyuhu kula dardaarmay ergooyinka isugu yimi arrimahaasi inay mar kastaba maanka ku hayaan waxa wiilashoodu samaynayaani inaay saamayn ku yeelan karto arrimaha amniga, xidhiidhka  dad walaalaha ah ee Somaliland ka kala yimid iyo jaamacadda Cammuudba .

Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile oo isagu kulankaasi hagayey ayaa sidoo kale ku baaqay inaan maaamulkiisu u dulqaadan doonin  fal kastoo lagu cabsi gelinayo ardayda jaamacadda ee  kala yimi gobolada dalka iyo barakacayaasha ka yimi dalka Soomaaliya ee Booramna ku nool, isagoo dhinaca kalena maayarku talooyin usoo jeediyey waalidiinta ubadka reer Boorama oo uu ku tilaamay inay beryahan dambe barteen falalo aan lagu aqoonin.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kasoo kale oo kasoo jeeda g/Awdal ayaa munaasabaddan ka sheegay siday uga xun yihiin  waxa dhacay iyagoo dhinaca kalena  isku canaantay imaatinka masuulyiinta reer Sool, maadaama ay awoodi kari waayeen inay demiyaan xiisadda ardaydaasi loona baahdeen imaatinkooda .

Salaadiinta reer Boorama  oo iyaguna halkaa kasoo jeediyey hadallo kulul oo lagu durayo  masuulyiintra amniga  iyo shakhsiyaad kaleba  ayaa qaarkood sheegeen in dhibaatada dhacday ee haatan laga bogsaday  aanay ahayn mid loo baahnaa hadii ay reer Boorama daacad ka yihiin deminteeda, sidaa darteedna ballan qaaday inaanay dhici doonin  falal kale oo ka dhan ah ardayda gobolada dalka  ee jaamacadda wax ka barata.

 Kuxigeenka guddoomiyaha jaamacadda cammnuud Axmed C/laahi Boqore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhinacyada kasoo qaybgalay wada hadaladan  uga mahadceliyey dedaalkoodii ku saabsanaa sidii gacanta loogu dhigi arrintan loona soo celin lahaa kalsoonida jaamacadda .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama