Boorama-(Lug)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagula kala wareegayay xilka dagmada Boon ee gobolka Salal ayaa shalay ka dhacday isla xarunta dagmada Boon.
Munaasibadani oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka kala socotay degmooyinka gobolka Salal oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha qaybta police-ka G/Salal C/rashiid Sh.Maxamuud Caateeye, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Salal Cali Alaale, Salaadiin ka soctay deegaanada dagmada Boon iyo kuwo ka socday gobolka Awdal Caaqil Idiris Axmed.
Hadaba ka hor intii aanu galin gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Boon ayaa ay dadwaynuhu ay ula taagnaayeen caleemo qoyan wada hareeraheeda kuwaasi oo ay kusoo dhawaynayaan waftiga galbinaya gudoomiye Maxamad Khayre Dhinbiil oo ah gudoomiye ka tirsanaa bulsho waynta reer Boon gaar ahaan garabka dhalinyarta iyaga oo muujinaya raali ay ka yihiin guud ahaanba dadwaynaha reer Boon.
Markii ay bilaabantay munaasibada xilwareejintu ayaa aad arkaysay dadwayaha reer Boon oo illaa intii lagu kala tagayay munaasibada xil wareejinta ka qayb qaadanay oo ku muujinayay dareenkooda wanaagsan ee ay u hayaan gudoomiyaha cusub.
Hadaba ugu horaanti waxaa munaasibadaasi ka hadashay hooyo ka mid ah qurba jooga degmada Boon hooyo Kaaha Xasan Sacad oo ku dheeraatay qiimaha ay leedahay dagmadu iyo waliba qiimaha dalkuba waxaanay shaaca ka qaaday inay Hooyo Kaaha Xasan Sacad inay dalka ka baxday iyadoo ka yara 10 jir markaana uu ahaa dalku hodon amaba barwaaqo waagaasi, aanay jirana waxa hada dalka ka salagle, waxaa kale oo ay ku dheeraatay qiimo wanaaga dadwaynaha reer Boon ay kaga jiraan wadaniyada guud ahaanba umada ku hadasha afka soomaaliga loona ogsoon yahay inay yihiiin umadii iyagu ugu horeeyey ee bilawday iskaa waxa u qabso.
Sidoo kale waxaa madashaasi ka hadlay Caaqil Idiris Axmad oo kamid ah caaqilada gobolka Awdal waxaanu ku amaanay sida wanaagsan ee ay dadwaynaha reer Boon ula jaan qaadeen isbadalka ka dhacaya dalka oo dhan, sidoo kale kama aysan maqnayn salaadiinta gobolada Awdal iyo Salal.
Suldaan Muuse Dugsiiye “Sanbuurag” oo isna madashani ka hadlay ayaa waxaa uu ugu baaqay dadwaynaha reer Bon inay uwada shaqeeyaan sidii qiimaha badnayd ee iskaa wax u qabso ahayd dadkuna wada yihiin walaalo.
Gunaanadkii munaasibada xilwareejinta ee dagmada Boon ee gobolka Salal intaasi kadib waxaa ka hadlay gudoomiyihii hore ee degmada Boon Raage Cismaan Waabari waxaanu shaaca ka qaaday inuu diyaar u ahaa in la helo xubin da’ayar oo xilka maanta kala wareegta, waxaanu sheegay inuu diyaar u yahay wax la qabadka maamulkani cusub ee la wareegay talada degmada Boon.
Dhanka kale waxaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee degmada boon ee xilka la wareegayay 25/12/1010-ka oo ahaa maalmaha gabo gabada sanadka 2010-ka waxaanu ugu mahadnaqay waxqabadka ay ka warbixiyeen masuuliyiintii mudada dheer xilka soo haysay.
Ugu danbayntii waxaa xilka u kala wareejiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Salal Cali Allaale oo isagu ku sugnaa madashaasi uguna kala wareejiyay xilka goobta ay munaasibadu ka dhacaysay, waxaanay xafladan xilwareejintu ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo farxad leh.
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gudoomiyihii Hore Ee Deg.Boon Raage Cis-maan Waabari Oo Xilka Ku Wareejiyay Maxamad Khayre Dhinbiil Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanada Reer Boon + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback