Boorama-(Lug)-Ururka Dhallinyarada AYODA, kana hawlgala magaalada Boorama ayaa xaflad ku saabsan wacyigelin la xidhiidha daryeelka caafimaadka carruurta ku qabtay fagaare ku yaalla magaalada Boorama.
Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan dawladda, qaar ka mid ah ururada dhallinyarada iyo martisharaf kale ayaa waxa ka hadlay Madaxda dawladda ee heer degmo iyo heer gobol iyo masuuliyiinta ururkaasi iyo qaar ka mid dadweynaha.
Siyaad Cumar Cali agaasimaha Uruka Ayoda oo ka hadlay munaasabaddan ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka kasoo gaadha ubadka marka loo adeegsado daaweynta aan cilmi ku dhisnayn ee haweenka iyo waalidiintu ku daaweeyaan ubadkooda.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan ubad caafimaad darro ka qaaday markii loo geeyey dad aan aqoon u lahayn caafimaadka isla markaana adeegsada wax mala awaal iyo khayaali ku dhisan sida Sanboorka, cuudinta, geedaha, fooxisooyinka iyo falal kaleba kuwaasoo dhammaantod la sheegay inay khatar ku yihiin caafimaadka ubadka sidaa darteedna loo baahan yahay in waalidiinta loo sheego dhibaatada ubadka kasoao gaadhaysa waxyaalahaasi mala awaalka ah .
Agaasimaha isbitaalka Boorama Ismaaciil Xaaji oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay inay jiraan ubad loo geeyo dad aan lahayn aqoon caafimaad isla markaana si jaahilnimo ah loo gaadhsiiyo xanuunno kale marka loo adeegsado waxyaalo mala awaal ah .
Dr.Ismaaciil ayaa u sheegay ka qaybgeleyaasha in waalidiinta iyo hooyooyinka looga baahan yahay inay ubadkooda geeyaan goobaha caafimaadka ee daryeelka ubadka iyo hooyada, balse aanay ula dusin dadka ku shaqaysta mala awaalka iyo khayaaliga .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ururka Maxalliga Ah Ee Ayoda Oo Xaflad Ku Saabsan Wacyigelin La Xidhiidha Daryeelka Caafimaadka Carruurta Ku Qabtay Fagaaraha Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback