Boorama-(Lug)-Wasiirka xannaanada xoolaha Axmed Xaashi Oday ayaa shalay ka qaybgalay xaflad loo qabtay  hawlgelinta kawaanka xoolaha  ee cusub, Munaasabaddan oo ay kasoo qaybgalay
 saraakiil ka socotay hay’adaha maalgeliyey mashruucan kawaanka  sida FAO, wasiirka beeraha Faarax Cilmi iyo qaar ka mid ah saamileyda kawaankaasi gacanta ku hayn doonta .

Xafladdan oo lagu soo bandhigay gawraca xoolaha, isla markaana lagu tijaabiyey saddex neef oo lo’ah ayaa  diyaarinta hilibka  xoolahaasi qaatay wakhti ka yar 20- daqiiqo .

Wasiirka xoolaha Axmed Xaashi oo ka hadlay  munaasadda hawlgelinta kawaanka ayaa sheegay in mashruucani yahay mid ay  hirgelintiisa kusoo daaleen hayadaha caawiya Somaliland  ee qaramada midoobay, masuulyiinta dawladda iyo qaar ka mid ah dadweynaha  sidaa darteedna loo baahan yahay inaan la dayacin lagana faaiideysto .

Wasiirka oo ka hadlay dhinaca nadaafadda iyo daryeelka hilibka kawaankaasi laga soo saaro ayaa sheegay in hilibkan kasoo baxaya kawaanku yahay mid u baahan caafimaad xoog leh, isla markaana si wanaagsan looga shaqeeyo nadaafaddiisa hadii kale ay cudurro ka dhalan doonaan .

Isagoo ka hadlayey dhinaca farsamada, waxa uu wasiirku sheegay in kawaankani yahay mid bilow ku ah Somaliland, horena aanay reer Boorama ama hiliblayaasha Magaaladu u isticmaalin  wax kastoo ka yimaadda dhinaca farsamada loo dulqaato intay si wanaagsan iskugu dubbadhacayaan hawlaha qalliinka kawaankaasi .

Munaasabaddan ayaa sidooa kale waxa ka hadlay qaar ka mid ah  saamileyda kawaanka, kana warramay dib u dhaca ku yimid hawlgelintiisa  wakhtiganna ay diyaar u yihiin dhaqajintiisa .

Mashruuca kawaanka hilibka Boorama oo la furay saddex bilood ku dhawaad ka hor  ayaa uun lagu tijaabiyey qalitaanka Adhiga, balse maanta ay ugu horreyso xoolaha ay ka mid yihiin Geela iyo Lo’da .

Hawlgelinta kawaankan cusub ee Boorama ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa Salaadiin, masuulyiin dawladeed ,iyo martisharaf kale.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama