Boorama-(Lug)-Wasiirka xanaanada xoolaha Axmed Xaashi Oday ayaa sayladda xoolaha Boorama dhagax dhigay dhisme la doonayo in lagu daryeelo xoolaha loo iibkeeno suuqaasi .
Dhagax dhigga wasiirka oo ay ku weheliyeen wasiirka beeraha, Guddoomiyaha Degaanka Boorama, badhsaabka G/Awdal iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa wasiirku sayladda xoolaha Boorama dhagax dhigay goob xoolaha sayladda lagaga daryeelo qorraxda iyo qabowga, looguna diyaarin karo biyaha, isla markaana ay kusii nasan karaan marka debedda loo dhoofinayo .
Wasiirka xoolaha oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigaasi ayaa sheegay in xoolaha Somaliland meel ay hadhsadaan la’yihiin iyo meel ay daaqaan toona taasina ay keento inuu suuqyada caalamka la tartami kari waayo, sidaa darteedna wasaaraddiisu daryeelka xoolaha u samaysay qorshe kor loogu qaadayo tayada xoolaha nololahoodana lagu badbaadin karo .
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dad dhulboob ahi xoolihii meel cidhiidhi ah geliyaan sidaa darteedna uu sayladda xoolaha u samayn doono xayndaab ka celiya dadkaasi .
Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi oo isna hadallo kooban halkaa ka yidhi ayaa maamulka Golaha deegaanka ku ammaanay dedaalka ay u sameeyeen daryeelka xoolaha, wasaaradda beeraha iyo wasaaradda xooluhuna yihiin kuwa Dhagax dhiggan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay masuulyiinta maamulka gobolka ee gobolka Awdal iyo degmada Boorama kuwasoo sheegay inay sayladda xoolaha ka dhigaan meel xoolaha u gaar ah, cid kasta oo sheegataana ay qaldan tahay .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Sayladda Xoolaha Boorama Dhagax Dhigay Dhisme Loogu Talogalay Daryeelka Xoolaha Loo Iibkeeno Suuqaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback