sh-ciise-sh-xasan-badeed.jpgLughaya (lug)- wararka ka imanaya degmada Lughaya ee xeebta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in magaalada xarunta ah ee Lughaya barri jimcaha lagu qaban doono siyaaradii beesha Bahabar Muuse, iyada oo halkaasi lagu dhigi doono mowliid iyo munaasibad diini ah oo si heersare ah loo soo agaasimay.

munaasabaddaasi diiniga ah waxaa ka qayb geli doona madax dhaqameedyo, aqoonyahanno iyo dadwayne kale oo dhammaantood ka soo jeeda beesha Bahabar Muuse, waxa kale oo maalmahanba laga dareemayay dalka Djibouti iyo galbeedka Somali Land-ba sida wayn ee loogu diyaargaroobayay munaasabaddaasi diiniga ah ee Bahabr Muuse isugu imanayso.

goobjoogayaal reer Lughayaad ah ayaa noo xaqiijiyay in ay magaaladaaasi maalmahanba ku howllanayd soo dhawaynta gaadiid kaga soo qulqulayay magaalooyinka Djibouti, Hargaysa iyo Borama oo waday marti sharaf Bahabar Muuse ah oo usoo hiloobay siyaarada beeshooda.

ilo ku dhawdhaw guddiga qanqaabada siyaaradan ayaa sheegey in ay munaasabaddani tahay mid dhaqan salka ku haysa isla markaana diini ah oo ka madax bannaan siyaasad, barnaamijyada lagu soo bandhigi doonana waxa ka mid ah baa la yidhi quraan akhris, mowliid, ducuuyin iyo taariikhdii culimadii qaadirayada ahaa ee ka dhashay beesha, iyada oo halkaasi geel badan iyo kalluunba lagu cuni doono.

ujeedooyinka munaasbadani ka danbeeyana waxa lagu soo koobay  inuu kulankani yahay mid diini ah oo ay beeshu wanaaga isku farayso xumaantana isaga reebeyso, iyo in dib u qiimeyn lagu samayn doono heerkii iyo magacii diiineed ee ay beeshu ku lahayd geeska Africa.

inkasta oo ay beesha Bahabar Muuse caado u lahayd inay kulanno diini ah oo sannadleyaal ah isugu timaad haddana siyaaradani waa middii koobaad ee nooceeda oo kale ah ee ay beeshaasi isugu timaad muddo 10 sannadood ah, waxana loo aaaneeyey hakashada siyaarooyinkaasi arrimo la xidhiidha duruufo abaaro ah oo ka jiray deegaannada Bahabar Muuse oo saamayn ku yeeshey isku-xidhnaantii beesha.

sh-ciise-sh-xasan-badeed.jpg
 Muruudka beesha Bahabar Muuse Sh. Ciise Sh. Xasan-Badeed

sida la ogyahay beesha Bahabar Muuse waxa ay 20kii bishii 11aad ee sannadkan 2010ka ku caleemo saartay deegaanka Cali-Xaydh, muruud ama hogaamiye diineed oo magiciisa la yidhaahdo Sh. Ciise Sh. Xasan-Badeed oo qaabilsan arrimaha diinta ee beeshaasi.

Lughaya news
Lughaya