“Somaliland waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo xadgudub kasta oo kaga yimaad maamulka Puntland, waxayna uga digayaan Puntland inay soo farageliso xuduudaha cirka, dhulka iyo badda Somaliland”
“Xisbiga KULMIYE wuxuu si dhaba ugu hawlgalayaa fulinta barnaamijkii xisbigu doorashada ku galay iyo ballanqaadyadii uu ummadda la galay”
“Madaxweynha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu ka codsaday in Golaha Guurtidu ka fiirsado muddada dheer ee ay kordhiyeen Baarlamaanka”
Hargeysa-(Lug)-Hoggaanka sare ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa ku dhawaaqay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin sidii ay mar wawlba u dhagaysan lahaayeen codka shacabka reer Somaliland, isla markaana ay xukuumadda ku illaalin doonaan fulinta barnaamijkiisa siyaasadeed.
Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga ee magaaladda Hargeysa, waxay sheegeen in Somaliland xaq u leedahay inay iska difaacdo haddii maamul-goboleedka Puntland ku soo xadgubo xudduudaha dhulka, badda iyo cirka Somaliland, iyaga oo ka digay cawaaqib xumadda ka dhalan doonta haddii maamulka Boosaaso ka arrimiyaa ku soo xadgudb.
Qoraal dheer oo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ka akhriyey shirkooda jaraa’id, ayuu xisbiga tallada dalka hayaa kaga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin qorshahooda sannadka cusub ee 2011, xukuumadda KULMIYE, Baarlamaanka, arrimaha dibedda iyo qorshaha xisbiga ee mustaqbalka.
Qoraalka Guddoomiyaha KULMIYE saxaafadda u akhriyey oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;
Hambalyada Sannadka cusub 2011:
Sannadka cusub ee 2011 xisbiga KULMIYE wuxuu u rajeynayaa ummadda Somaliland horumar iyo guulo ka ballaadhan kuwii la gaadhay sannadkii ina soo dhaafay. Xisbiga KULMIYE wuxuu si dhaba ugu hawlgalayaa fulinta barnaamijkii xisbigu doorashada ku galay iyo ballanqaadyadii uu ummadda la galay.
Waa xaqiiq ah in qorshe weliba sida loogu talogalay aanu dhammaantii u fulin ee ay ka horyimaaddaan carqalado lama filaan ah, haseyeeshe waxa waajib ah in si wadajira looga gudbo dhibaatooyinka soo baxa.
Sannadka 2010 wuxuu noqoday sannadkii Somaliland caalamka u muujisay inay wax qabsan karto waxayna maareysay doorashada Madaxtooyada, shacabkeeduna u codeeyey si xor oo xalaal ah. Somaliland waxa ka qabsoomay doorasho lagu galay diiwaangelin, iyadoo ka mid noqotay waddamo kooban ee qaaradda Afrika lagu galo doorasho diiwaangelin leh.
Doorashada oo afar jeer dib u dhacday laga soo bilaabo 31 August 2008 waxay u qabsoomtay si deggan oo nabad ah 26 June 2010, iyadoo aanay dhicin wax dhibaato ama rabshad ah.
Doorashada oo ay ku tartameen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqay natiijada doorashada 1dii July 2010, wuxuuna daboolka ka qaaday inuu si weyn ugu guulaystay codbixintii dadweynaha xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku guulaystay oo helay codkii dadweynahu dhiibteen kala badh una dhiganta (49.59%) taasoo ka dhalatay barnaamijkii isbeddel-doonka ee xisbiga KULMIYE ku galay doorashada.
Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo waxa xilka xafiiska Madaxtooyada loo dhaariyey 27 July 2010; waxana bilaamay 60 bilood oo culayskeeda leh, xisbiga KULMIYE-na laga sugayo fulinta barnaamijkiisa.
Waxa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Axmad Maxamad Siilanyo uu xilkii guddoomiyenimada ku wareejiyey ku-xigeenkiisa, waxayna tallaabadani u muujisay shacabka Somaliland iyo adduunkaba sida xisbiga KULMIYE ay uga go’an tahay in isbeddel laga sameeyo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha. Doorashada ka qabsoomtay Somaliland waxay wax weyn ka beddeshay aragtidii caalamku ka qabay Somaliland, waxana u soo jeestay Somaliland indhihii caalamka.
Waxa kaalin mug leh ka qaatay doorashadii Madaxtooyada Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxayna muujiyeen karti iyo hufnaan dheeraada, iyadoo shacabka Somaliland iyo dunida kaleba tusay inay Somaliland wax qabsan karto. Komishanka Doorashooyinkuwaxay dadaalkaasi ku mutaysteen abaalmarinno.
Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba wada-shaqeyn joogto ah iyo sidii ay doorashooyin xora oo xalaal ah uga dhici lahaayeen Somaliland gacan ku siinayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Xukuumadda KULMIYE:
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu isagoo fulinaya ballanqaadkiisii ahaa dhisidda dawlad kooban uu magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 26 xubnood, waxana markiiba la dareemay sida xukuumda KULMIYE ay uga dhex muuqdaan dhammaan bulshada noocyadeeda kala duwani.
Waxaa la soo nooleeyey hay’adihii u xilsaarnaa maamul-wanaagga iyo ilaalinta hantida ummadda ee hore fadhiidka u ahaa.
Waxa la dardargeliyey dhammaan wasaaradihii, waxana bilaamay sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa shaqaalaha dawladda.
Sannadka 2010 wuxuu ahaa sannad ammaanka Geeska Afrika aad looga dayriyey iyo guud ahaan dunida. Waxa soo wajahay waddamada ku yaal Geeska ee Somaliland ka midka tahay duruufo iyo cabsi fara badan oo kaga timi dhinaca ammaan-darrida. Waxay ciidamada Somaliland dhowr jeer fashiliyeen mu’aamaraadyo iyo shirqoollo la rabay in lagu minjo-xaabiyo jiritaanka iyo madaxbannaanida iyo waliba dimoqraadiyadda iyo xassilloonida ka hanaqaaday Somaliland.
Xisbiga KULMIYE wuxuu siyaasad cad ka leeyahay sida uu uga dhaadhicin lahaa ictiraafka Somaliland bulshada caalamka iyo muhiimadda Somaliland u leedahay nabadda Geeska Afrika iyo adduunkaba. Siyaasaddaas oo ah tan xukuumadda Somaliland ka duulayso.
Baarlamaanka:
Waxaa muddo-xileedkii Baarlamaanku ku ekaa bilihii September iyo Oktoobar 2010 ee Guurtida iyo Wakiillada, waxayna seddexda xisbi qaran ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashada iyagoo tixgelinaya soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo tallooyinkii deeq-bixiyayaasha.
Haseyeeshee, taasi may suuragelin waxayna guuritdu go’aamisay mooshinka korodhsiimo xileedka ee Baarlamaaanka.
Waxa kaloo tallaabadan korodhsiimada ee Baarlamaanku saamayn ku yeelatay doorashada Golayaasha Degaanka, isla markaana Madaxweynha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu ka codsaday in Golaha Guurtidu ka fiirsado muddada dheer ee ay kordhiyeen Baarlamaanka.
Arrimaha Dibedda:
Intii ka dambaysay doorashadii Madaxtooyada iyo dhismaha xukuumadda cusub, waxana suurtogashey in wax laga beddelo siyaasaddii dibedda ee Somaliland, waxana bilowday xidhiidh cusub horleh oo isu-soo jiidaya xukuumadaha iyo shucuubta ku nool Somaliland iyo waddamada ay cilaaqaadka leeyihiin, gaar ahaan dalalka deriska sida Ethiopia iyo Djibouti.
Waxa kaloo xukuumaddu booqasho saaxiibtinimo ku kala bixisay waddamada ay ka mid tahay Boqortooyada Ingiriiska, waxaanay ka wadahadleen labada xukuumadood sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkii iyo wada-shaqeyntii hore uga dhexaysay labada dal. Waxa xoogeystay sumcaddii iyo magacii Somaliland ku laheyd dunida iyo fagaarayaasha waaweyn ee caalamka markii Somaliland ku guulaysatay doorasho diiwaangashan oo u qabsoomtay si xor oo xalaal ah.
Waxa soo xoogoobay doorkii ay hay’adaha Qaramada Midowbay iyo kuwo goboleedkuba ka qaadan jireen mashaariicka horumarinta Somaliland. Waxa xidhiidh sokeeye lala yeeshey urur-goboleedyo iyo hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay iyadoo ay booqasho dalka ku yimaaddeen wufuud maqaamkoodu aad u sarreeyo.
Qorshaha Xisbiga ee mustaqbalka Somaliland:
1. Xisbiga KULMIYE isagoo maanka ku haya in codkii iyo kalsoonidii shacabka Somaliland siiyeen oo aheyd kala-badh (49.59 %) codkii la bixiyey, isagoo tixgelinaya aqbalaaddii labada xisbi qaran ee kale ee natiijadii doorashada, wuxuu raalli ka yahay inuu mar walba dhageysto codka shacabkiisa, isla markaana wuxuu diyaar u yahay inuu ilaaliyo kuna kormeero xukuumaddiisa fulinta barnaamikiisa siyaasadeed.
2. Inkastoo KULMIYE iyo xukuumaddiisu muddo gaaban xilka hayeen, dadaal badanna muujiyeen sidii ay u xallili lahaayeen mashaakiladda la xidhiidha adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo amniga, haddana waxa jira inaan mashaakiladahaasi weli la wada xallin muddana qaadanayso xallintoodu.
3. Xisbigu wuxuu mar walba ka shaqeynayaa isagoo kaashanaya xukuumaddiisa inuu kaalin xooggan ka qaato ilaalinta iyo joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonada Somaliland iyo Gobolka Geeska Afrika.
4. Xisbigu wuxuu xidhiidh la samayn doonaa dhammaan axsaabta qaran ee waddamada aynu saaxiibka nahay iyo ummadaha jecel madaxbannaanida iyo horumarka, wuxuuna u hawlgeli doonaa sidii Somaliland u heli laheyd aqoonsi taama.
5. KULMIYE wuxuu dib-u-habeyn ku samayn doonaa dhammaan xarumaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka, wuxuuna hawlgelin doonaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee goobahaasi gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.
6. Xisbiga KULMIYE wuxuu ka hawlgelayaa sidii deegaannada colaaduhu ka jiraan, sida Ceelbardaale iyo Kalshaale loogu dhammayn lahaa wada tashi iyo nabadeyn.
7. Sida aynu la wada socono wuxuu maamulka Puntland beryahan dambe ku hawllan yahay guluf colaadeed isagoo adeegsanaya ciidamo calooshood-u-shaqeystayaal ah. Waxa muddooyinkan dambe ku qulqulaya dekedda Boosaaso hub iyo saanad fara badan oo sii holcinaya waddamada Geeska Afrika oo markii horeba ay dagaalo naafeeyeen.
Haddaba, xisbiga KULMIYE isagoo ku kalsoon isku duubnida iyo midnimada shacabka Somaliland wuxuu mar walba u taagan yahay nabad, horumar iyo deris-wanaag dhexmara waddamada Geeska Afrika.
Somaliland waxay uga digayaa maamulka Puntland inay soo farageliso xuduudaha cirka, dhulka iyo badda ee Somaliland. Somaliland waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo xadgudub kasta oo kaga yimaad maamulka Puntland.
Somaliland waxay cod dheer kaga digaysaa cawaaqib-xumada ka iman doonta ifafaalaha colaadeed ee ka soo muuqda Puntland,” ayaa lagu soo gunnaaday qoraalka xisbiga KULMIYE kaga hadlay xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo qorshahooda mustaqbalka.
Lughaya Desk


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hoggaanka Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Oo Ku Dhawaaqay Inay Xukuumadda Siilaanyo Ku Ilaalin Doonaan Fulinta Barnaamij-Siyaasadeedka Xisbiga "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback