images11.jpgHargeysa-(Lug)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Shacabka Somaliland Munaasibada Sanadka ee Milaadiga oo kawsanaysa maalinta Bari ah, waxaana uu Illaahay uga baryay in sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo Badhaadhe, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha Illaahay uga baryay in inta Bukta uu xanuunka hayo ka dulqaado inta caafimaadka qabtana u siyaadiyo, isagoo guud ahaan shacbiga Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan nabadgalyada iyo Qaranimada dalka.

Waxaana sidaasi uu Madaxweynuhu ku sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Miilaadiga ah oo Beri oo Sabti ah Kowsanaaya ( 01/01/2011 ) ee Miilaadiga) Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Shacbiga soomaaliland Meelkasta oo ay Joogaanba Gudo iyo Debedba.

Madaxweynaha waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ILLAAHAY uga baryey inta Bukta in uu ka Dulqaado Xanuunka haya inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo jeedaan oo ay u illaashadaan sidii ay hore-ba ugu jeedeen”.

Sannad wanaagsan oo wacan 
 
 Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.