images10.jpgHargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu si kedis ah ugu kala diray Guddigii Jaamacadda Hargeysa oo uu toddobaad uun ka hor u xilsaaray inay soo diyaariyaan xeer rasmi ah oo lagu maamulo jaamacadda.

Guddiga Madaxweynuhu kala diray oo ka kooban 17 xubnood oo isugu jira 10 xubnood oo ay dhawaan magacowday Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo 7 xubnood oo uu dhawr sanno ka hor magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, hase ahaatee markii labada guddi ee la isu geeyey ku heshiin-waayeen cidda loo dooranayo buuxinta jagada guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa oo uu dhawaan iska casilay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa arrintaasi keentay in Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan u magacawdo Guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan oo hormood u ahayd tobanka xubnood ee Wasiirku ku kordhisay guddigii hore ee Jaamacaddda, halka toddobada xubnood ee hore u ahaa Guddigii hore oo kaashanaya hormuudada kulliyadaha kala duwan ee jaamacaddu iyaguna dhinacooda ka magacaabeen Guddoomiye labaad, taas oo dhalisay khilaaf iyo xiisad kulul oo hadhaysay guud ahaan Jaamacadda Hargeysa oo gaadhay ilaa ardayda oo la kala saftay dhinacyada hirdamayey.

Ismaandhaafkaas kadib waxa xal-u-hellida arrintaas soo farageliyey toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo soo saaray wareegto ku amray inuu si ku-meelgaadh ah xilka guddoomiyenimada jaamacadda u sii hayo Mr. Muuse Cilmi Cabdi oo ah xubintii ay wateen hormoodada iyo guddigii hore ee jaamacadda, halka uu labada guddi oo la isku daray, Guddoomiyena uga dhigay Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan u xilsaaray in ay muddo afar bilood ah ku soo diyaariyaan xeer dhammaystiran oo lagu maamulo Jaamacadda Hargeysa, si looga badbaado muran iyo is qabsi.

Ilo xogogaal ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo uu masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare gaadhsiiyey Arbacadii toddobaadkan degreetada uu ku kala diray guddiga uu dhowaan u xilsaaray inay muddo afar bilood gudahood ah ku soo diyaariyaan xeerka maamulka Jaamacadda Hargeysa.

Ma jiraan warar rasmiya oo iftiiminaya asbaabaha Madaxweynuhu u cuskaday kala dirista guddiga Jaamacadda Hargeysa ee uu maalmo yar hortood magacaabay.

Hase-yeeshee, sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen waxa eriga guddigan lagu xidhiidhinayaa mid salka ku haya mudaharaadyo rabashado watay oo horraantii toddobaadkan hadheeyey Jaamacadda Hargeysa, kaas oo loo tirinayo inay lug ku lahaayeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga shaqada laga caydhiyey.

Waxa kale oo warku intaa ku daray in xubno guddiga ka mid ahi ku taliyeen in gebi ahaanba guddiga la baabiiyo ama iyaga laftoodu iska casilayaan.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo maamul ahaan jaamacaduhu hoos yimaaddaan Mr. Khadar Axmed Diiriye oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay cawayskii, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo wareegtada Madaxweyne Axmed-siilaanyo ku kala eryey guddiga cusub ee Jaamacadda Hargeysa, isagoo ka hadalka arrintaas iskaga riixay dhinaca Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada oo uu sheegay inuu isagu hayo qoraalka Madaxweynuhu soo saaray.

 

Lughaya   Desk