Berbera-(Lug)- Alle ka u naxariistee Maydka laba nin oo baddu liqday maanta, ka dib markii ay u dabaal tegeen Xeebta Batalaale, ayaa laga helay Xabaalaha saadada oo 5km u jirta Batalaale, iyadoo weli la raadinayo maydka wiil dhallinyaro ah oo ay wada socdeen.
Labada Marxuum ee maydkooda la helay, ayaa magacyoodu kala yihiin Xuseen Maxamed Axmed iyo Maxamed Maxamuud Madoobe oo ka mid ah dirawaliinta gaadiidka waaweyn, kuwaasoo gelinkii danbe u dabaaltegay Xeebta Batalaale, iyagoo badda galay xilli ay caaridsantahay, waxaana weheliyay laba dhallinyaro ah oo midkood koomo ku jiro, ka kalena maydkiisa aan weli la helin.
Affarta ruux ee saddex ka mid ahi dhinteen, ayaa ka daba tegay badda oo caaridsan, waxaanay mar qudha ku baraaruugeen badda oo u weydaaratay dhinacii ay ka soo galleen, waxaanay isku dayeen inay soo dabaashaan, taasoo sababtay inay dabaalan kari waayaan oo daalaan, waxaana dirqi ku yimi xeeliga badda wiil dhallinyaro ah oo haatan yaala cisbitaalka Berbera.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa tifatiraha Berberanews Maxamed Xarrago khadka telefoonka kula xidhiidhay waxa ay maamul ahaan ka ogyihiin dhacdadan iyo sababta ay u sammayn waayeen ciidammo ilaalo ah oo xilliyada baddu kacsantahay dadka ka horjoogsada , waxaannu ku jawaabay badhasaabku, “Nimankaas laba way dhinteen, mid waa la la’yahay, mid kalena waa dhaawac, tiradooduna waa affar, anigu saaka waan tegay Xeebta Bataallaale booliis baanu u dalbanay oo aan ku idhi maanta yaanay badda cidi gelin, markaa badda waad aragteen oo way ballaadhantahay, waxaanay ka galeen meel kale oo aan ahayn halkii ciidanku joogay, dadka waanu ka wacyigelinaa ciidankii waanu geynay, saakoo u danbaysay anigaa joogay.”
Badhasaabku waxa uu sheegay inaanay habboonayna xilligan gelitaanka badda, maadaama ay kacsantahay bilaha November iyo December, isagoo tilmaamay inay masuulliyiin u dabaal tagtay Berbera ku wargeliyeen inaanay geli karin, “Xataa madax magaalada timi iyaga iyo caruurahoodii oo doonayay inay badda ku dabaashaan, waxaannu u sheegnay inay iska daayaan, waayo xiligan oo kale lama galo, markaa dadka qaar way ku maqlayaan, qaarna waxay isu haystaan inay xarfaan yihiin.” ayuu yidhi Ramaax.
Badhasaabka Saaxil waxa uu intaa raaciyay inay dhibaatadani tahay mid soo noqnoqota, maamul ahaana ay ku tallo jiraan inay xafiis wacyigelinta ah ka furaan xeebta Batalalaale, isagoo tacsina u diray qoyskii ay ka baxeen saddexda qof ee baddu liqday, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa, “Marka hore waxaan tacsiyadaynaa qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen marxuumiintaasi, had iyo jeerna dhibaatadani waa mid soo noqnoqota, annaguna waxaannu ku dedaalaynaa inaanu xafiis macluumaadka laga qaato ka furo Batallaale oo boolisna aanu dhigno, laakiin dhibaatadu waxay ka taagantahay dadkii meel cayiman kama wada gelayaan badda oo qaarbaa dulleedka dekedda ka gelaya.”
Berberanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maydka Laba Qof Iyo Mid Dhaawac Ah Oo Laga Helay Xeeliga Batallaale Iyo Badhasabka Saaxil Oo Ka Hadlay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback