Boorama-(Lug)-Isbadalka xukuumadi cusub ayaa ah mid gabalka u riday guud ahaanba gobolka awdal kaasi oo ay dadwaynaha reer awdal ay ka caga jiidayaan marwalba tan iyo intii kadanbaysay maalintii ay la wareegeen
masiiliyiinya xukuumadni cusubi ayaa waaba waaga ka danbaysa ugu baryaa mid aan wali soo marin gobolka Awdal hadaba dadwaynuhu waxaa ay ka dhursugayaan xukuumadii timaadaba inay kasii anba qaado waxa qadabyada kala duwan iyo baahitirka guud waxaana deeqa dadwaynaha goob walba oo ay joogaanba danaha guud sida wadooyin adeegyo caafimaad iyo wax qabadyada kale .
Xukuumadani waxaa ay la kawsatay abaar iyo sixirbarar taasi oo ay guud ahaanba saamaysay daafaha dalka oo dhan oo aysan ku koobnayn kaliya gobolka Awdal mana jiraan wax kala socda hadii ay noqon lahayd ganacsiyada oo mudooyinkii hore laga wada war qabo sidii ay kala socon jireen
Dhanka kale waxaa aad arkaysaa xafiisyada dawlada oo intooda badan ay masuuliyiintu albaabada ulaabeen sida xafiisyada looga taliyo degmada iyo gobolkaba, waxaana ay dadwanuhu ku hadaaqaan meeyay xulkuumadii dadwaynaha isbadalka ugu baaqaysay cod dheer iyo mid gaaban dadwaynaha kalan qoqobtay hada maaha kaliya xafiisyada sidii ay bulsho wayntu uga baratay xafiisyo ay qariyeen xuubka caarooyinka kadib markii ay masuuliyiintii ku shaqada lahaa ay kaba rogi waayeen ooda amaba aysan u soo shaqa tagi jirin waxaa kaa qancin kara kaliya xafiisyada kor ku xusan oo ay kakala hawlgalaan masuulo oo dano waa wayn u haya bulshada ku dhaqan magaalada iyo kuwani gobolka Awdal waxaase nasiibdaro, guuldaro iyo ciil soo foodsaartay gobolka Awdal kadibmarkii ay gabeen masuuliyiintii loo soo xilsaaray inay usinaadaan bulshada iyo waliba hantida qaranka
Sidoo kale waxaa ay buklshadu ku muransan tahay xiliga ay shaqeeyaan masuuliyiinta gobolkla Awdal iyo kan dagmaduba oo ku laba goor noqda caasimada Hargaysa mase ogsoon yihiin guud ahaanba masuuliyiintu habeenkii ay taariikhdu ahayd 18/01/2011 ayaa badi masmuuliyiinta gobolka iyo kan dagmaduba badi ka huleeleen caasimada gobolka Awdal iyaga oo usii kacatimaya dhanka caasimada dalka ee magaaladaH iyaga oo baalmarsan xilka ay hayaan iyo waliba hanaaankooda socod sidii uu noqon lahaa hadii ay tahay kala hagida danaha dadwaynaha iyo amarada masuuliyiinta kalaba.
Wariye-
Yuusuf Cabdi Cali “Indho-qurux”
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Isbadalka Xukuumada Cusub Oo Gabalka Uriday G/Awdal iyo Xafiisyada Dawlada Oo Albaabadu Ulaaban Yihiin Intooda Badan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback