Borama (lug)- barri arbacada oo ay bisha January tahay 26 ayaa deegaanka Aasho caddo ee galbeedka magaalada Borama lagu caleemo saari doonaa mudane Cabdi Sul.Guray Nuur si uu noqdo suldaanka beesha Jibriil Yoonis una buuxiyo mansabkii uu aabihii Marxuum Sul. Maxamad Nuur Geelle (Guray Nuur) ka geeriyooday sannadkii inna dhaafay.
Sidaasna waxaa lagu sheegay baaq ay soo saareen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beesha Jibriil Yoonis oo ka mid ah Samaroonka Galbeedka, baaqaasi oo laamaha arrimaha gudaha ee Somali Land ku macsuumay ka soo qaybgalka xafladda caleemo saarka Sul. Cabdi Sul. Guray Nuur oo barrito la caleemo saari doono.
Shalay ayaa shirkii J/Yooniska uga socday magaalada Qulunjeed ee galbeedka Borama lagaga dhawaaqay inuu mudane Abiib Cilmi Warfaa oo deggan dalka Maraykanka noqdo suldaanka beesha Jibriil Yoonis, haseyeeshee caleemo saarkan cusub iyo suldaankan cusub ee barri loogu ballansan yahay deegaanka Aasha caddo ayaa waxba la`aan iyo tacab qasaar badaya shirbeeleedkii Qulunjeed uga socday beesha Jibriil Yoonis muddada labada todobaad ah.
Sida la ogyahay Mudane. Cabdi Sul.Guray Nuur ayaa sannadkii hore markii laga kacay geeridii aabihiiba isku sharraxay qaadista masuuliyaddii uu Alle ha u naxariistee Suldaan Guray ka tegey haseyeeshee beesha ayaa diidday wakhtigaasi.
Si kastaba ha ahaatee bayaanka Jibriil Yooniska ee ku aadan caleemo saarka Sul. Cabdi Sul.Guray oo nuqul ka mid ah Shabakaddan Lughaya news soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:
Lughaya news
Borama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Cabdi Sul. Guray Oo Barri Loo Caleemo Saari Doono Suldaannimada J/Yoonis "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback