sul-wabar1.jpgQuljeed-(Lug)-Abiib Cilmi Wabar oo deggan dalka Maraykanka ayaa maanta loo doortay inuu nuqdo suldaanka beesha Jibriil Yoonis  - Samaroon si uu u buuxiyo mansabkii uu kal hore ka geeriyooday alle ha u naxariistee Suldaaankii beeshaasi Sul. Guray Nuur.

sul-wabar1.jpgSuldaannimada mudane Wabar oo la sheegey inuu yahay nin ku habboon xilkan ayaa maanta lagaga dhawaaqay shirbeeleedkii ardaayada J/Yooniska uga socday magalaada Qulunjeed ee galbeedka Borama muddada labada todobaad ah maalmaha badanna la isku mari la`aa ajandayaashiisa, waxana la dhawrayaa inuu suldaanku wakhti dhaw u  guuro magaalada Borama, xilkana uu si rasmi ah guurtida beesha uga guddoomo.

Inkasta oo ay jiraan odayo dhaqmeedyo badan oo beeshaasi ka tirsan oo dalka gudihiisa deggan hoggaamiyedhaqameednimadana khibrad ballaadhan u leh, haddana J/Yoonis waxa ay isku afgarteen ugu danbeytii inay suldaankooda Cusub maraykanka ka soo xushaan, waana arrinta ay dabinta ka qaniineen odayaal badan oo mansabkan quudarraynayay balse ay toodii socon wayday kadib markii arrin iyo adduunba sida la sheegay lagu muquuniyay.

Sida la ogyahay jagadan suldaannimada ah waxaa isku sharraxay sannadkii hore wiil uu dhalay marxuum Guray Nuur balse beesha ayaa cod aqlabiyad ah ku diidday inuu aabihii dhaxlo.

Lughaya News
Borama