Boorama-(Lug)- Magaalada qulujeed ayaa shalay si rasmi ah loogu doortay hoggaamiye dhaqmeed  ay yeelan  doonaan  ardaayada beesha J/yoonis (samarroon).

Xaflad lagu magacaabayey suldaan guud ee beesha  J/yoonis, laguna magacaabo, Abiib Cilmi Wabar oo deggan dalka Maraykanka, ayaa laga shaaciyey  suldaankaasi kaddib  markii ay isku raaceen ku dhawaad 41 oday oo loo  saaray  magacaabista suldaankaasi .

Abiib Cilmi wabar, kana mid ah qurbajoogga reer Awdal, gaar ahaanna beesha J/yoonis , ayaa  ololaha lagu  dooranayey  beryahanba, ama saddexdii bilood ee u dambaysayba ka socday magaalada Boorama , kaddibna loo  raray  magaalada Qulujeed, halkaasoo aakhirataankii lagu  doortay  suldaankaasi  oo qaban doona mansabkii uu banneeyey  Marxuum Gurey Nuur oo sannadkii hore geeriyooday .

Xafladda shalay lagu qabtay qulujeed ayaa waxa ka hadlay madaxdhaqameedyo kasoo jeeda beeshaasi, kuwaasoo ka sheekeeyey sida dimuqraadiyadda leh ee beeshu ugu tartantay mansabkaasi, isla  markaana loo kala saaray musharraxiintii la tartamaysay oo halkaa ka sheegay inay uga tanaasuleen  Suldaan Abiib Cilmi Wabar, isla markaana loogu duceeyey  inuu qabto hoggaanka beesha J.yoonis.

Suldaannimada mudane Wabar oo la sheegey inuu yahay nin ku habboon xilkan ayaa maanta lagaga dhawaaqay shirbeeleedkii ardaayada J/Yooniska uga socday magalaada Qulunjeed ee galbeedka Borama muddada labada todobaad ahna lagaga tashanayey halkaasi ayaa soo afjartay  tuhunno laga qabay in shirkaasi lagu kala dareero ama la isku afgaran waayo sida ay qoreen shabakadaha wararka qaarkood , hase yeeshee aakhirataankii hoggaamiye dhaqameedyadaasi ku guuleysteen inuu ku dhammaado isafgarad iyo duco .

Ilaa imika ma ma jiraan cabashooyin ka imanaya  hoggaamiye dhaqameedyada beesha J/yoonis laguna  sheegeyo inay ka biyo diidsan yihiin hoggaankooda cusub,  haddiiba aanay jirin kuwa qarsoon, taasina  ay muujinayso sida looga mideysan yahay  magacaabista suldaanimada hoggaanka cusub  ee beesha J/yoonis.

Wariye-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama