Dhamaan Bahda Lughayanews meelkasta oo ay joogaanba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka tagay Marxuum Yuusuf Cadaawe Nuur.
oo ku geeriyooday Xalay oo taariikhdu ahayd 26/01/2011 Mag.Gargaara Bari ee Degmada Lughaya.
Bahda Lughayanews ayaa waxay tacsi gaar ahaaneed gaadhsiinayaan Wariye Cilmi Yuusuf Cadaawe oo ka mid ah howlwadeenada shabada Lughayanews oo uu aabihiis Allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cadaawe Nuur oo ku geeriyooday Xalay oo taariikhdu ahayd 26/01/2011 Mag. Gargaara Bari ee Degmada Lughaya.
Hadii aan taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cadaawe Nuur dib u yara jaleecno waxaa uu ku dhashay Tuulada Tokhoshi sanadkii 1930kii, Maruumka ayaa ahaa curadkii reer Cadaawe, Aabihii Caddaawe Nuur iyo adeerkii Jaawi Nuur iyo qaar kamida walaalihii waxa dhamaantood lagu aasay tuulada Tokhoshi iyo magaalada Saylac, Hase yeeshee Marxuum Yuusuf Caddaawe Allaha unaxariistee waxa lagu aasay isla maataba Mag. Gargaara ee degmada Lughaya.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tacsi: Marxuum Yuusuf Cadaawe Nuur Oo Ku Geeriyooday Xalay Mag.Gargaara Bari Ee Degmada Lughaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback