Boorama-(Lug)-Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somaliland Cabdi Suldaan Gurey ayaa maanta loo magacaabay suldaanka guud ee Beesha J/yoonis (Samarroon) xilkana ka dhaxli doona aabihii Marxuum Gurey Nuur oo geeriyooday sannadkii hore .
Xafladdii lagu magacaabayey suldaanka Cusub ee beeshaasi, isla markaana laga dareematy guud ahaanba daafaha iyo gudaha magaalada Boorama ayaa lagu qabtay meesha la yidhaa Caasha Caddo oo qiyaas 4km galbeedka kaga beegan magaalada.
Munaasabaddaan oo kulmisay dhammaan ardaayada beelaha samarroon ayaa sidooa kale waxa kasoo qaybgalay masuulyiin ka tirsan G/guurtida, Salaadiin, Cuqaal iyo waxgaradka qaybaha beelaha Samarroon iyo gaar ahaan beesha ay kasoo wada jeedaan madaxweynihii hore ee soomaaliland Daahir Rayaale iyo Suldaanka Cusub Cabdi Suldaan Gurey, kuwaasoo ka kala yimi degaanada beeshaasi ee dalalka Itoobiya iyo Somaliland .
Munaasabaddan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay, isla markaana suldaanka cusub lagu soo gelbiyey gaadiid an tiradooda lasoo koobi karayn ayaa aakhirataankii munaasabaddaii magacaabista ahayd waxa ka hadlay cuqaal iyo madaxdhaqameedyo kale oo ka kooban beelaha Awdal iyo selel, kuwaasoo dhammaanatood ku ballanqaaday taageerada Suldaan Cabdi suldaan Gurey iyo sida ay ugala shaqayn doonaan arrimaha Somaliland iyo gobolka Awdal danta u ah.
Ibraahim Magan Nuur kana mid ah odayaasha caanka ah ee degaanka Boorama oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey aqoonta ay dadweynaha Soomaaliya iyo Somalilandba u leeyihiin suldaanka cusub, isla markaana loogu xusuusan karo inuu yahay nin nabadeed lagu bartay xilalkii dhinaca amniga ee uu kasoo qabtay dalkii la odhan jiray Soomaaliya iyo 19kii sannadood ee ay Somaliland jirtay.
Suldaan Muuse cilmi Dugsiiye (Sanbuurag) kana mid ah salaadiinta reer Awdal oo isna halkaa ka halay ayaa yidhi ‘waxaan inta badan maqallaa waayadan dambe salaadiin iyo boqorro aad mooddo inay yihiin siyaasiyiin mucaarad ah dhaqankii hoggaamiye dhaqameedku lahaana looga baahnaa, sidaa darteed waxaan idiin sheegeyaa in Suldaan Cabdi Suldaan Gurey yahay suldaan aan lagu sifayn Karin siyaasi mucaarad ah, balse uu yahay hogaamiye dhaqameed ka shaqeeya danta umadda iyo dawladnimada, tii hore iyo tan eegana uu kala shaqayn doono midnimada iyo nabadelyada beelaha Somaliland, haddaan ka mid ah salaadiinta beelaha Maxamed Casena waan soo dhaweynaynaa waanan la shaqayn doonaa”.
Suldaan Cabdi Muuse Geele oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey taariikhda Suldaan Cabdi Suldaan Gurey ,isagoo ku tilmaamay inuu qaadi karo xilkaasi, maadaama lagu bartay wanaag ka talintana uu Suldan cabdi gurey buuxin karo kaalintiisa .
Suldan Daahir Cismaan kana mid ah salaadiinta reer Awdal ayaa isaguna sheegay in madaxdhaqameedyada Somaliland ku yimaaddaan dhaxal sidaa darteedna Suldaan cabdi gurey loo baahnaa in mar horeba uu buuxiyo mansabka uu banneeyey aabihi Suldaan Gurey Nuur balse wakhtigan ilaahay qoray in hawshii beeshaasi walaalahayaga uu hoggaankeeda qabto .
Caaqil Ismaaciil Axmed Geelle kana mid cuqaasha caanka ah ee degaanka Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in beesha uu caaqilka u yahay kala shaqayn doonto danta beelaha reer Awdal iyo reer Somaliland .
Diini C/Laahi Hande kana mid ah xildhibeenada G/guurtida oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha golahaasi aqoon u leeyihiin suldaan Cabdi weligiina aan laga soo caban haddii ay tahay Somaliland iyo haddii ay tahay beesha uu xilkeeda maanta qabtay, sidaa darteed loo baahan yahay in lala shaqeeyo suldaan Cabdi suldaan Gurey .
Xil Nuur Rayaale kana mid ah G/guurtida Somaliland oo isna munaasabadda magacaabista Cadbi Suldaan Gurey ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyey aqoonta uu u leeyahay suldaanka cusub, ilaa maalintii la aasaasay Somaliland ilaa waagii ay jirat daladdii soomaaliya , sidaa drateedna aanu ahayn nin ciyaar ku yimi hogaaminta beesha aan walaalaha nahay ee J/yoonis .
Iimaan Bilaal ,kana mid ah hoggaamiye dhaqameedyada asal ahaan beelaha degaanka Gebilay, balse degaan ahaan caanka ka ah Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hogaaminta Suldaan Cabdi ee beesha J/Yoonis sii xoojin doonto amniga iyo walaaltinnimada beelaha gaalbeedka Somaliland sidaa darteedna loo baahan yahay in si buuxda loola shaqeeyo .
Hadalada halkaa saaka laga jeediyey oo aan lasoo koobi karay ayaa waxa barbarsocday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee halkaasi ,iyadoo halkaasina ay ka hadleen cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda g/Selel, kuwaasoo dhammaantood sheegay inay la shaqayn doonaan suldaan cusub ee beesha J/yoonis . loo baahany ahay in lala shaqeeyo Suldaan Cabdi Suldaan Gurey.
Wariye-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Suldaan Cabdi Suldaan Gurey Nuur Oo Loo Doortay Suldaanka Guud Ee Beesha Jibriil Yoonis "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback