Boorama-(Lug)-Waxa beryahanba qaylo dheer laga maqalayaa qaar badan oo ka mid ah saxaafadda ama wargeysyada Hargeysa kasoo baxa kuwaasoo tiradoodu kor u dhaafaysoo ilaa sideed wargeys, inta badanna aad mooddo inay isku bahaysteen sidii jilbaha dhulka loogu dhigi lahaa xukuumadda cusub ee dadweynaha Somaliland kusoo dhabar jabeen ku dhawaad toban sannadoodna u qaylinayey dimuqraadiyadda.
Sidoo kale ayaa indhawaaleba wargeysyada Hargeysa kasoo baxaa badankoodu ku hadlaan wax aan lagu hadli jirin wakhtigii xukuumaddii Rayaale ka jirtay dalka maantana aad mooddo inay hurdo kasoo tooseen .
Ragga og qaylada saxaafadda ee maanta isla markaana ku biirinaya codkooda ayaan sidoo kale la kala ogeyn in waagii hore runta sheegeyeen iyo inay maanta sheegeyaan oo ay waagii hore been sheegi jireen .Sidoo ayaa dad badan oo reer Somaliland kala garan laayihiin suxufiyiinta dhabta ah iyo kuwa iska qaatay qalinka iyo kamerada, isla markaana moodayey in saxaafaddu tahay tan loogu shaqaysto sidii loogu shaqaysan lahaa makhaayad ama tukaan , inta bandanna aan kala soocin wax saxaafadda ka reebban iyo waxa saxaafadda dhabta ahi tahay, taasina ay keentay in maanta suxufiyiinta Somaliland qaarkood ku hadlaan af beeleed , af xisbi iyo af kooxeedba .meeshana ay ku yaryihiin kuwa ku hadlaya af waddanimo ka muuqato.
Markaan dib u raaco taariikhdii saxaafadda soo martay wakhtii xukuumadda udub, isla markaan barbardhigo tan maanta waxay badi dadweynaha Somaliland garan karaan sida xukuumadda maantu u daafacday shaqada saxaafadda, isla markaana dhegeha uga furaysanayso wax kasta oo xadgudub ku ah qarannimada dalka iyo madax bannanida Somaliland .
Anigoo ka mid ah raggii ama suxufiyiintii dawladdii UDUB u dirtay xabsiga madheera, xero miltarina lagu xukumay ayaa waxaan yaabaa kuwa maanta ka qaylinaya masuul dawladeed oo ka dacwooday qoraallo ama dacaayado laga fidiyey oo weliba masuulkaasi maxkamadda hor yimaaddo suxufigii wax ka qoray, halkaa wakhtigii nalagu qabsaday qoraallo ka cadhaysiiyey xukuumaddii hore aanaan arki jirin ciida na haysta, cidda nasoo xidhay, cidda dacwad oogaha ah iyo cid kastoo sabab u ah xadhigayagii, maantana la arkayo masuulkii iyo cid kastoo saxaafadda dacwad ku oogtay oo sidii shicibka maxkamad la isla tegeyo .
Dhinaca kale saxaafadda xadhkaha goosatay ee Somaliland ama sii xoogeystay wakhtigan xukuumadda Axmed Siilaanyo hoggaanka dalka qabtay ayaad mooddaa inay duminta Somaliland shuraako kula yihiin cadowga Somaliland, isla markaana cagaha u dhigi la’ xukuumadda lixda bilood jirtay ee ku hawllan horumarinta hawlihii ay ku ballanqaadday wakhtigii ololaha .
Markaad dib u raacdo waxytaalaha ay ku hadlayaan wargeysyada qaarkood iyo sida aanay xukuumaddu dheg jalaq ugu siinayn ayaa dad badani u qaadan karayaan in xukuumadda waxyaalahaasi laga qorayaayi aanay lahayan wax itaal ah oo ay iskaga celiso mijaaxaabinta lagu hayo nidaamka dawladdeed ee shacbigu soo doortay .
Waxyaalaha la yaabka leh ee kusoo kordhay saxaafadda inta xilka dalka ay la wareegtay xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa dad badan muwaadiniin badani isweydiinayaan wax ay doonayaan reer Somaliland iyo waxay diiddanyihiin maadaama xukuumaddii iyo xisbigii shalay daraadood loogu rasaaseeyey suuqyada Hargeysa ay durba ka hor imanayaan iyagoo kala huwan shaadh kala duwan oo qaarkood loo qaadan karo inay duminta Somaliland iyo dawladdaba shuraako kula yihiin cadowga Somaliland .
Haddii suxufi lagu xidho dembi uu caddayn u waayey, looma baahna inuu xukunkaasi uga qayliyo sidii cadow kale u xidhay,balse loogu doodaa sidii muwaadin iyo dawladdisii xukuntay , looguna sii deyn karo maslaxad, walaalnimo iyo wax isku sheegid, hadiise xaalka xukuumadda iyo saxaafadda laga dhigo dagaal u dhexeeya laba dal oo cadow isku ah, qarannimada Somaliland ma noqopnayso mid sii socota .
Qaylada saxaafadda ee Hargeysa kasoo baxaysa ayaa dhinaca kale aad mooddaa inay tahay tahay qaylo ku salaysan xisbinnimo, beelaysi iyo arrimo kale oo kala kaxayn karaya dadweynaha iyo dawladda Somaliland, iyadoo inta badan qoraalada cadaawaddu ka muuqato ee kusoo baxa saxaafadda badhkeed salka ku hayso siyaasaddii xisbiga UDUB, kuwaasoo maanta isku dayaya inay dawladdii dhacday dib usoo celiyaan, waxayna taasi ku timi tabar darada xukuumadda iyo cabsi aad mooddo in xukuumadda Axmed Siilaanyo cabsi ka qabto masuulyiintii iyo saraakiishii dawladdii UDUB, kuwaasoo weli xafiisyada usii fadhiya inay mijoxaabiyaan dawladda qabsatay dalka, inkastoo xukuumadda Axmed Siilaanyo u haysato inay niyad wanaag u muujisay saraakiishii maamulkii UDUB, hase yeeshee iyagu u haysta in lagu dhici waayey eriskooda .
Adeegsiga ay saxaafadda adeegsanayaan siyaasiyiintii kulmiye ka baxday ee guuldarada kala kulmay doorashadii dhacday iyo kuwii xoogga dadweynaha iyo codka dadweynuhuba lagaga qaaday kursigu yaanay isku dirin dawladda cusub, saxaafadda iyo shacbiga, haddii kale waxay noqon doontaa in Somaliland la mid noqoto dalkii ay ka go’een labaatansano ku dhawaad ka hor.
Wariye-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Saxaafadda Maanta Qaylinaysaa Ma Dalkay Ka Maqnaayeen Wakhtigii Xukuumaddii Hore , Mise Waa Qorshe Kale? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback