suldaan-cabdi-muuse-geele.JPGBoorama-(Lug)-Xubin ka tirsan Salaadiinta G/Awdal ayaa xukuumadda ugu baaqay inay  dhaqaajiso maamulka g/Awdal iyo kan Boorama oo uu ku tilmaamay mid gebi ahaanba curyaansan isla markaana aanay ka jirin sharci iyo kala dambayn .

Suldaan Cabdi Muuse Geelle oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay burburreen adeegyadii dawladda hoose ee Boorama  dadweynuhu uga baahnaa , xaruntaasina ka dhammaan laadahay khilaafyo iyo isqabqabsi waxba laga qaban laayahay .

suldaan-cabdi-muuse-geele.JPG

Suldaan Cabdiraxmaan Muuse Geelle oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi :”Annigoo ka mid ah salaadiinta G/Awdal xilbaa naga saaran umadda  aan hoggaamiyayaasheeda dhaqanka ka mid ahay .Ilaa maalintii xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo qabsatay maamulka dalka, waxad mooddaa inaysan gobolkan Awdal iyo Boorama arrimhiisa meel iska dhigtay, indhahana ka qarsatay waxyaalaha ka dhacaya. Waxa la hadalhayaa uun khilaafbaa jira, cidi kama shaqayso meeshii la odhan jiray dawladda Hoose, cid cid maqlaysaa ma  jirto . hadii maanta  lagugu xadgudbo   oo ciddii xadgudubkaasi geystay aad istidhaa sharciga hor gee ma jirto cid aad kaga dacwootaaye, sababtoo ah  waxa lumay sharcigii iyo kala dambayntii , xukuumadduna way daawanaysaa .shaqaalihii cashuurta  qaadi lahaa ayaa la la’yahay,kii nabadgelyada iyo bilicda magaalada ka shaqayn lahaa ayaa la la’yahay, xaalkuna wuxuu marayaa meel madhan .

Haddaba  iyadoo arrimuhu afar bilood halkaa  marayaan, halkaa marayaan ayaa waxa kasii daran sida dawladda Siilaanyo u daawanayso dhibta haysta dadweynaha Boorama ama gobolkaba  ee aanay tallaabo uga qaadayn masuulyiinta loo tirinayo dayaca maamul ee jira , iyadoo arrintaasina loo qaadan karo inaysan dawladdu danba ka lahayn gobolkkan iyo arrimhiisaba. Khilaafyada iyo iskadaba wareegga  dadweynaha  waxa aabbo u ah maayarka magaalada Boorama, kaasoo haddii  xilka lagu sii eego  aanay Boorama la jirayn wax dawlad iyo maamul  dawladeed la yidhaa. Shaqaalihii way go’een  oo mushaar may arag bilo badan,  welina xaalku wuu sii xumaanaya ,sidaa darteed waxa xukuumadda usoo jeedinayaa inay meesha ka saarto waxa n la leeyahay waa gole degaan oo Boorama leedahay dad waddaniyiin ah oo dalkan iyo dadkan u damqanayana la keeno .”

Hadalka suldaanka  ayaa ka dambeeyey  khilaaf dhinaca maamulka oo beryahaaba ka taagnaa xarunta G/degaanka Boorama, kaasoo u dhexeeyey xoghayaha dawladda hoose iyo maayarka  magaalada, inkastoo dawladda isku dayday inay xal u hesho  ilaa maanta  aanay ka muuqan iskusoo dhawaashaha labadaa dhinac  ee xuddubta u ah maamulka magaalada .

 

Wariye-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama