qaran.jpgDiiradda-(Lug)-Iyada oo maalmahanba la filayay ayaa waxa saaka gaadhay niyad jabna kala noqday magaalada Borama, wasiirka arrimaha gudaha ee Somali Land Mud. Maxamad Cabdi Gabboose oo saaka si ololeysan u soo galay Borama, iyada oo ay shakhsiyaad reer Borama ahi ku soo dhaweeyeen boodhadh dadka xasuusiyay kuwii la adeegsan jiray maalmihii lagu jiray ololihii doorashooyinka.Kooxo u badan carruur iyo dumar oo kolanyada wasiirka suuqa cagta kaga daray ayaa waxa ay u haysteenba inuu doorkan Gabboose u socdo arrimihii xisbigii madaxwayne Rayaale mamnuucay ee QARAN oo lagu tuhunsanyahay wasiirka inuu maaganyahay inuu boodhka dib uga jafo.

Wasiirku saaka waxa uu naxdin kala kulmay salaadiinta iyo madaxdhaqameedyada reer Awdal & Salel oo ay dhamaadkii bishii Septemper ee sannadkii 2010 wax isku ogaaayeen, farriinna madaxtooyada ugu dhiibay balse uuna dhakhtar Gabboose halkii ka qaadin. Salaadiintaaasi oo maanta ku gacan saydhay inay la kulmaan wasiirka, maadaama uu si dhuumasho ah u galay magaalada oo uu xilli la hurdo soo galay.

Inkasta oo uu wasiir Gabboose iska illaaway ballantii u dhaxaysay isaga iyo madaxda dhaqanka ee Awdal & Salel oo ka wakiil ah bulshada galbeedka Somali Land, haddana maanta waxa la sheegay inuu aad uga murugooday dhayalsigaasi ka dib markii uu arkay inuuna kalsooni iyo tixgelin hagaagsan ku lahayn deegaannadaasi.

Mud. Maxamad Cabdi Gabboose wasiirka arrimaha gudaha ee Somali Land xaq buu u leeyahay inuu booqdo goob kasta oo ka tirsan Somali Land, soona kormeero maadaama ay masuuliyadi ka saarantahay, haseyeeshee booqashadan uu wasiirku maanta ku yimid Borama waxa la sheegay inuu uga dan lahaa inuu ku xumeeyo dadwaynaha Reer Awdal & Salal oo uu u siday farriin ah (anigaa idiin taliya goortaan doonana idin soo booqan kara sidaan doonana idinka yeeli kara).

Sidoo kale waxa ay booqashadani daba joogtaa khilaaf  u dhexeeya Gaboose iyo madaxwayne ku xigeenka Somali Land, Mud. C/Raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ismaandhaafkaasi siyaasadeed oo ka dhashay magcaabista xogahaya dawladda Hoose ee Borama.

Marka hoos loo daadego ee si qoto-dheer  loo akhriyo xaaladda taagan waxa la fahmi karaa inay baroortu orgiga ka wayntahay oo ay jiraaan Ajandayaal qarsoon oo uu Somali Land la maaganyahay mudane Gabboose, tusaale ahaan waxa la sheegayaa in uu wasiirku ku taamayo inuu dib u soo cusboonaysiiyo damaciisii madaxnimo iyo xisbigiisii Qaran islamarkaana uu doorashada soo socota madaxwaynenimo isku soo sharraxo.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu heshiis qarsoodi ahi dhexmaray wasiir Gabboose iyo taliyaha Police-ka Somali Land, Mud. Cilmi Rooble Furre (Kabaal), heshiiskaasi oo dhigaya inay Gabboose iyo Kabaalba isku diyaariyaan labada jago ee u sarraysa Somali Land, sidaa awgeedna mid walba oo ka mid ah looga baahanyahay inuu sii bisleeyo beeshiisa, intaa ka horreysana ay iska kaashadaan tallaaabo kasta oo liddi ku ah sii jirista labada masuul ee ugu sarreeya Somali Land, waa Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici`e.

kulankan uu maanta Dr. Gaboose Hotel Rayska Borama kula yeeshay beesha uu ka soo jeedo taliye Cilmi Kabaal, ayaa sidoo kale la sheegay inuu taliyuhu meel fog ka hagayay islamarkaana uu isagu sii diyaariyay, Gabboosena waxa uu usoo sheegay in uu beesha si gaar ah oo qarsoodi ah ula kulmi karo, taaasoo caddaatay markii uu Mud. Gabboose si buuxda ugu dhawaaqay in ciddii aan qoyska Cilmi Kabaal ahayni ka baxdo Huteelka. 

haseyeeshee waxa diiday inay baxaan oo is dhagaxeeyay masuuliintii degmada Borama oo aan iyagu ka mid ahayn beesha loo dan lahaa, waxa kale oo lala yaabay in uu wasiirku si dhuumasho ah ku soo galay magaalada xilli aroor hore ah oo ay dadku hurdeen.

Dad badan oo aqoon dheer u leh wasiir Gabboose ayaaa aaminsan inuu yahay nin damac badan oo aan la aamini Karin, waxayna arrintaasi markhaati uga dhigaan madaxwaynihii hore ee Somali Land Mud. Daahir Rayaale Kaahin oo jeel u taxaabay kadib markii uu shirqooolkiisa ka nasan waayay.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay dad badan oo aad u daneeya jiritaanka iyo nabadda Somali Land qabaan inay markii horeba qalad ahayd in mudane Gabboose oo aqoon xeel dheer u leh caafimaadka loo dhiibo shaqo ku cusub oo amni iyo masiir dawladeed la xidhiidha, waxayna siyaasiyiin badani soo jeedinayaan in isku shaadhaynta golaha wasiirrada ee soo socota Gabboose loo dhiibo wasaaradda caafimaadka, ama wasaarad kale oo madani ah, halka ay qaarkalena ku doodayaan  in Gabboose iyo Cilmi Kabaal-ba xilalka ay hayaan laga qaado.

 

Diiradda Lughaya news
lughayaweb@gmail.com