Hogaamiye dhaqameedyada galbeedka Somaliland gaar ahaana gobolada Awdal, Gabiley iyo Salal ayaa maanta noqday rag jira oo diiday kala qaybinta Samaroon iyo iska horkeenka beelaha wada dhashay, taasina waa mid ay wateen waftigii yimiday shalay doraad waji gabaxna kala noqday gobolka markii ay arkeen midnimo Samaroon oo ka quwad weyn tii hore ee dhakhtarka Gaboose jeebka loogu riday, taasi oo ahayd in Suldaan Dhawal ku yidhi dawlada iyo awoodeeda inoo qaybi, arrintaasina uu la dawakhsanaa mudo dhan.
Dhakhtar Gaboose oo uu soo waayay wax uu ula shir yimaado reer Sheekh Samaroon ayuu keenay khilaaf in uu dan moodo si uu uga muquurto jawaabihii laga sugaayay ee hore ayuu is yidhi horta reerahan isku duuban ee Samaroon kala fur fur si aad kolba beel daaqada uga saarto waase lagu fahmay maadaama ay diideen in ay la kulmaan markii ay arkeen, sida marka hore ay u socdeen oo ahayd arimo faashila ah laguna fahmay xadhigii doqonta ee la rabay in lagu xidh-xidho beelaha wada dhashay ee Samaroon.
Nasiib darose ay soo qaateen xadhigii rag kale oo sheeganaya afhayeenka beelaha Makaahiil oo shirkan ku xumaynaayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Eng.Cadraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Zeiylici markii ay ka maqleen isaga iyo rag kale warbaahinta, kana dhawaajiyay Mudane Zeylici in khilaaf u dhaxeeyo isaga iyo wasiir Gabose ayay si fiican ugu hindhiseen arintaasi khilaafka ah ee ku timid labadan mas’uul waana ta keentay in uu Maxamed Jaamac Abgaal oo marka horeba raadinaayay fakad ama hulo uu madaxa kalasoo baxo, doon-doon iyo raacdona ugu jiray mudo dhan meel uu ka banaysto oo uu ka neefsado siyaasada Kulmiye oo naqaska ku dhajisay mudadii uu sidii jiirkana ka dhex jiqiiq lahaa khafiska siyaasada ee gobolada galbeedka Somaliland maadaama lagaga guulaystay xisbigii UDUB ee loogu xoogsheegtay siyaasada Somaliland lagagana takhalusay 26/jun/2010 awooda siyaasadana hogaanka ay u qabteen xisbiga Kulmiye oo ay musharax u ahaayeen Mudane Axmed Siillaanyo iyo madaxweyne ku xigeenkiisa mudane Cabdiraxmaan Zeylici.
Mr Abgaal markii uu ku guuldaraystay siyaasada gobolada galbeedka Somaliland ayuu bilaabay shirar aan la fahmayn ujeedooyinkiisa iyo mudaharaadyo keenay in shaki lagaliyo siyaasada Samaroonka ee ku wajahayn gobolada ay kasoo jeedaan ee Gabiley,Awdal iyo Salal oo mudahaaradayaashii uu soo abaabulayna ay dadka qaarkii lasoo baxeen calan lagu sheegay in uu yahay calanka Awdal-Land, isla markii uu xakunka wareejiyay madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo aan sii maqnayn todobaad ayuu samri waayay Abgaal iyo kooxdiisu sheegtayna in uu yahay afhayeenka beelaha Makaahiil taasi oo dantiisa gaar ahaaneed uu ku xoqanaayay beelaha makaahiil oo aanay isba aqoonin.
Mudooyinkii uu talada hayay madaxweynihii hore ee kasoo jeeday goboladan, mase oga in aduunku yahay dur iyo daabac oo maalina aad adigu leedahay maalina uu qayrkaa leeyahay, Hadii uu ka faa’iidaysan waayay intii uu joogay xisbigii UDUB maanta oo ay taladu gacanta u gashay mudane Zeylici oo ah muwaadin u dhashay goboladan waa in loo ixtiraamo sidii loo ixtiraamaayay Dahir Rayale sababtoo ah waa mas’ulka maanta ku xiga madaxweynaha kana sareeya Gaboose iyo xirsiba, arimaha gobolada galbeedka Somalilandna mudane Zeylici ilaa wax laga waydiiyo cid kale loo daba fadhiisan maayo habayaraatee ha ahaato wasiir ama mas’uul kaleba waayo mudane Zeylici ayaa ugu mudan oo ay ka go’daa arimaha gobolada galbeedka Somaliland oo dhan in wasiir kastaa kala tashado hawlaha xil ee la magacaabayo iyo arimaha siyaasadeed ama kuwa dhaqan dhaqaale ee la doonaayo in wax loogu qabto gobolada galbeedka Somaliland waa in ay soo maraan horta madaxweyne ku xigeenka oo ah mas’uulka labaad ee xakuumada Somaliland oo uu ka sareeyo kaliya madaxweynuhu hadii aan lagala tashan hawlaha gobolka oo wasiirkastaaba soo hor marininin arin kasta oo ku aadan arimaha gobolada Samaroon waa qalada wasiirka is yidhaa ka talaabso mudane Zeylici oo isaga ayuunbaa wax is yeelay oo hawshiisii ahayd wasiirnimo meel kaga dhacaaya hadii uu is yidhaa waad u madax banaantahay oo isticmaalo awood ka baxsan tii dawladnimo iyo tii dimuqradiyadeedba farbaana ku godnaan doonta wasiirka sidaasi oo kale u dhaqma.
Suldaan Samatar, Suldaan Dhawal iyo salaadiin kale oo badan oo aan ku qorey maanta baalka dahabka maadaama ay dhawrteen karaaamadoodii ahayd in ay shacabka reer Awdal matalaan oo ay ka dhawraan kala faquuqida guul bay maanta usoo hoyeen cidkasta oo jecel midnimada dhaqanka iyo dhawrsoonaanta Samaroonka waana hogaamiye dhaqameedyo istaahila in lagu taageero hiil iyo hooba oo laga ilaaliyo in ay iibsadaan Samaroonimada, dhawaan ayay la balansanaayeen dawlada Siillaanyo oo ay kala hadleen saamiga reer Awdal in aanay ahayn labada wasiir iyo badhka iyadoo madaxweyne ku xigeenkuna yahay lama taabtaan, balantuna ahayd in uu wasiirka Gaboose ama dhakhtar Gaboose uu ka gaadhsiinaayo fariintani oo ay ka sugayeen jawaabtii madaxweynaha Somaliland walina aanu waxba u sheegin salaadiinta ayay dhacday arin ku noqotay bulshada reer Awdal afkala qaad maadaama uu wasiirku la yimid kala qaybin markuu arkay mowqifkii hore ee salaadiintu ugu sheegeen in loo qaybsado awooda dawlada si isleeg ayay ka bexeen beelo ka mid ah iyo salaadiintoodii, siyaasiyiintoodii, wax garadkoodii iyo aqqoonyahankoodiiba waana beesha Jibriil Yonis oo maanta ku ceebaysan sida ay ula dhaqmeen tolkood waxaase looga fadhiyaa raali galin buuxda in ay ka bixiyaan oo ay siiyaan tolkood Samaroon dhamaantii, sababtoo ah waa gaf in lagu sheego ninka la yidhaa Maxamed Jaamac Abgaal saxaafadaha qaarkoodna soo qoreen afhayeen beelaha Makaahiil waana qalad in lagu magacaabo ninkan oo kale afhayeenka beelaha Makaahiil waayo Makaahiil wuu ka weyn yahay wax sanbiil lagu rido, Shacabka reer Awdal waxaa u bilaabantay xaalado adag oo u horseedi karaya kala shiki iyo tashwiish hor le taasina waa mid la kowsatay Gaboose iyo waftigiisa oo ay ka qufaceen salaadiintii dhawsanaa iyo wax garadka reer Sheekh Samaroon oo ay u arkeen dagaal qabow oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Zeylici oo Gaboose isleeyahay kula dhaqan fartii reer Mudug waxaase aanu ka warhaynin in uu mudane Zeylici yahay nin aan loo gali karin oo kasoo jeeda xadaaradii qadiimka ahayd ee Zeylac ee Gaboosoow wax la qariyo qudhunbaa ku jira.
Nooli kulantee
Mohammed Abdirahman Sharif
guallab@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Opinion:Gaboosoow Wax La Qariyo Qudhun -baa Ku Jira, Maxamed Jaamac Abgaalna Waxaan Leehay Makaahiil Wax Sanbiil Lagu Rido Ka Weyn "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback