Ma Reer Awdal Baan dooran , Mise Kuwii la dooran jiray bayna ahayn, Mise abaal ka darkay asal u leeyihiin.

Opinion-(Lug)-Waraabe(dhurwaa) ayaa goor fiid cawl ah soo dul istaagay reer ay xoolihii u soo hoydeen, sideedaba xoolaha inta aan la xareyn duleedka ayaa lagu tiriyaa si loo hubsado inay dhan yiniin in Dacawo ama dugaag kale uu xoolihii badh la hadhay, maalintii ayaa la ilaaway in riyaha la tiriyo, goor fiid ah markii adhigii la xereeyey ayaa riyihii la doonay in la soo liso ( caanihii laga liso), waxarihii ayaa lagu hayaa mareegta laga soo furay, MA’AA’AA’- da ayaa badatay , shaw riyihii dhawr ka mid ayaa maqan oo waxarohoodii meelahan meehanaabayaan.

Isla markiiba duqdii reerka mas’uulka ka ahayd ayaa qayo ku dhufatay Alla hoogay “ ridii qoor cas baa maqan, tii kale ee garaaryaha lahayd baaqan” markiiba qayladii ayaa la is gaadhsiiyey, caruurtii adhiga doontay ayaa loo yeedhay, odaygii ayaa golaha dab ku kulaalayay ayaa soo kacay, la waydii caruurtii halkee riyihii idiinku dambaysay, Kuye RAYDABTII HEBLAAYO ayaa noogu dambaysay iyagoo daaqaya, isla markiiba Inan Dhurwaa ( waraabe ah ) oo reerka duleedkiisa joogay markii uu hadalkii dhuuxay ee uu ogaaday inay Riyihii baadida ahaa halkaas ku maqan yihiin ayuu orod isa sii daayay si uu Raydabtii hore u gaadho, isagoo orod la soo wadno go’ay oo is leh ragga uga horee oo riyaha qaado ayaa uu meeshii (Raydabtii) oo cidla ah uu yimid. Ilayn waa Waraabe soo dalaaye , muddo ayuu neef tuurayay daal awgii, hareeraha ayuu eegay marba dhinac day , waxba ma leh riyihii ma jiraan. Markaasuu inta uu meel fadhiisatay ayaa uu calaacalay markaasuu yidhi “ Ma’anaan Roorin, Ma raydabtaan Raydabtii ahayn , Mise Rimay kasoo dhacdii ( islaantii lahayd riyihii raydabtaa u dambaysay ee haloo doono) baan run sheegin)

Waxaan uga jeedaa maahmaahadan sheeko maalmahan Mareegaha Internet-ka iyo Warbaahinta Somaliland-ba si xawli ah ugu soo noqnoqonaysay oo ku saabsanayd Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo booqasho ku tagay Boorama xili uu qaranka Somaliland Baroordiiq ugu jiray Dhimashadii mashaqadda lahayd ee kalshaale , booqashashaad oo ku bilaabantay soo dhawayn iyo mashxarad sawiro lagu xardhay oo waftiga lagu soo dhaweeyey , kuna dhamatay murugo iyo waji gabax ku dhacay dhinicii la soo dhaweeyey iyo kuwii soo dhaweynayay labadaba taas oo ay sabab u ahayd in qoladii soo dhawaynta waday ay ku hungoobeen madlabkoodii ( Doonistoodii) ugu waynayd oo ahayd in Xoghayihii uu Wasiirku hore u soo magacaabay ee uu M/xigeenku joojiyey xilka lagu wareejiyo iyo dhinaca kale oo ku hungoobay inay hantaan quluubta bulshawayntii Awdal ee ay islahaayeen marka aad danihiina dhamaysataan aad wajiga tustaan si ay ugu qaataan in iyagana la danaynayay.

Hadaba waa yaabe taasi dhibba may lahaateen haddii kuwii Tolkood wax kala dhuumanayay ee ay ka fashilantayna iska aamusi lahaayeen lana xishoon lahaayeen ceebtoodee, way ka sii dareen oo waxay dooneen inay tolkood ceeb aanay lahayn marmariyaan.

Aan u soo gundo dago’e waxa ay maahmaahdaydu ku qotonto, waxaan leeyahay ragga aanu tolka nahay ee ardaaga Jibriil yoonis Samaroon sida uu u dhan yahay ayuu idiin lisay wixii uu xoolo lahaa Labaatan sano ayay idin daba fadhiyeen oo sida aad doontaan aad ugu takri falayseen wixii ka dhexeyey Samaroon weyne oo taabananay mustaqbalka Jiilalka soo socda ee Samaroon taas oo aad iibsateen dadnimadii iyo Miisaankii Samaroon lahaa ee uu ku lahaa Somaliland iyo dadyowga Afsoomaliga ku hadla dhexdoodaba.

Waxyaabaha aad tolkiin ka gasheen waxaa ka mid ah.

1. Ka qayb qaadashada XASUUQII 04/02/1991 ee ka dhacay Dilla, Boorama, Saylac iyo Lughaya oo lagu Xasuuqay In ka badan 1000 dhalin yaro ah oo ku jira da’diii ay taabbo gali lahaayeen waxaana gacanta ugu Wayn ka gaystay Mujrimka Wayn C/raxmaan Aw cali Faarax oo ahaa hogaamiyihii watay ee soo hagay raggii gaystay xasuuqaas, ka dibna loogu abaal guday inuu noqdo M/weyne kuxigeenkii u horeeyey ee Somaliland.

2. Waxaad u soo goyseen cad-quudheedka Samaroon ku leeyahay labada Golle oo Daahir Rayaale ku iibsaday kursigiisii isaga oo ku qasbay xubnihii Golahayaasha kaga jiray Samaroon inay qaataan cadkaas oo ay hore u diideen inay qaataan waqtigii Marxuum Cigaal.

3. Waxaan Iibsateen dhiiga raggii lagu gawracay Jidka u dhexeeya Kala baydh iyo Dilla taas uu Daahir Rayaale ku maahmaahay maahmaahdii caan baxday ee ahayd (AFARTA NIN EE DHINTAY WAXAA II DHAAMA 40 COD OO AAN KA HELLO GABILEY).

4. Doorsahdii iyo daba fadhiisigii la idin daba fadhiyey 20 Sanno waxaad ku badasheen inaad isla maalintii aad waydeen kursiga ugu abaal gudeen inta aad Calan cusub soo tolateen aad tidhaahdaan AWDAL Land ayaa nala yidhaa si aad Samaroon u galisaan dagaal cusub oo aanu diyaar u ahayn.

Idinka oo dunuubtaas ka galay Tolkiin ayaad maantana ku soo gabagabayseen inaad tidhaahdaan anagu cidna uma baahnin ee Samaroon ha kala tago oo ninba waa waxay taagtii u goyso.

Hadaba waa su’aallo TOLLOW ( MA SAMAROONKA AYAAN IDIN SHARFIN OO WAQTIGIINII IDIN WANAAJIN,  MISE IDINKAA INAN GUMEED AH, MISE WAXA UU SAMAROON ISU YAHAY AYAABA BEEN AAN JIRIN AH.

Xasan Axmed Jaamac
Boorama Soomaliland
hassan_samaron@yahoo.com