adhi-abaar-darteed-u-dhintay.JPGBoorama-(Lug)-Xaalad ba’an  oo abaareed iyo waliba biyo la’aaneed ayaa isu soo taraysa deegaanda ku teedsan  xeebaha galbeed ee  gobolada Awdal iyo Salal kuwaasi oo ah
 kuwo  ay ragaadiyeen  guud ahaanba degaanadaasi kor ku xusan  kuwaasi oo aysan ilaa hada helin wax gargaar ah oo ay ka helaan cidwalba oo ku shuqule ha ahaadaan kuwa dowli ah iyo kuwa aan dowli ahaynba.

adhi-abaar-darteed-u-dhintay.JPG

Dadwaynahani ayaa sidoo kale ah kuwo had iyo jeer ku heelan inay gacanta ku hayaan xoolihii lagu yaqaan dhanka Soomaaliyeed iyaga oo ka door bidaya  inay ku noolaadaan meelo aan ahayn xeeb maba ay soo galaan gudaha magaalooyinka  kagana kalsoos yihiin ku noolaanshaha  deegaanadasi.

adhi-waxay-dhulkii-ka-goostaan-laa.JPG

Waxaa ay dadwaynuhu  yihiin kuwo u adkaysta wakhtiyada kullaylaha ah iyo abaaraha ku noolaashaha deegaanada aysan ku helin wax gar gaar ah dhulka ay abaaaruhu ka taagan yihiin  isla mar ahaantaasina  ay u kala laad laadin  ayaa ah deegaada kala ah deegaanka  damada Baki, Xamarta, Cali Xaydh, Garba Dadar, Teeb, Gargaara Bari, Adhi Cadays, Lughaya, Caasha Cado, Ceelgaal, Osoli, Saylac, Fardo-Lagu-Xidh , Xariirad, Boon Iyo Tuulada Quljeed  kuwaasi oo dhamaantood  kamid ah deegaanada   gobolada Awdal iyo Salal waxaa ay yihiin kuwo ay dhib ku hayso abaaro ba’an iyo waliba biyo la’aani ay u dheer tahay.

neef-geell-ah-oo-dhintay.JPG

Hadaba meelba meel ayay ka daran tahay waxaana udaran deegaadan ku teedasn xeebaha gobolada Awdal iyo Salal kuwaasi oo ay qaarkood ayna u shaqaynin ceelashii ay ka cabayeen muda ka badan laba sano halka qaarna aysan isu dhawayn isla mar ahaantaasina ay tahay wakhti abaareed   iyo biyo la’aani ay taagan tahay deegaanadaasi hadii aan usii dhaadhacno amaba aynu xusno inta ay  goob goobta kale  ujirto  oo ah dhulka biyo udhaw dadkani waxaanay kala yihiin sidan.

dumar-u-arooraya-meel-ka-fog-30km.JPG

Deegaanka Ceelgaal waxaa ku xeeran dhul badan kaasi oo ah kuwo udoonta biyaha ceelka Ceelgaal oo aan mudo  laba sano ah  aan shaqayn dadka ku dhaqan deegaan kaasina ay uqaadaan booyado uga qaada Laanta-Morohda deegaanka jidhi  waxaa ay u jirtaa ceelka ku yaala Ceelgaal 60km oo aan dadwaynuhu aan u kala socon Karin wakhtiyada kulaylaha ah.

carawayne.JPG

Halka ceelka Karuure iyo ceelka Ceelgaal isku jiraan 45km oo ay dadwaynaha ku nooli  ku qabaan dhib iyo waliba xaalada abaareed oo ba’an,  sidoo kale Ceelgaal iyo Laanta Morohda  ayaa ah deegaan isu jira masaafad dhan 31km oo ay xoolaha iyo dadkuba yihiin kuwo ku dhiban, dhanka kalana waxaa ay Ceelgaal  iyo Geerisa ay isu jiraan 45km oo iyana ah deeganka ku yaala xeebta galbeed ee dalka Somaliland.

ceel-gaal.JPG

Waxaa aad arkaysay dhibta iyo diifta ay u dheer yihiin haraadka iyo abaaraha soo foodsaaray  dadka ku dhaqan deegaanda kor ku xusan oo dhan  waxaanay gaadhay xaalad ay xoolahii iskugu jiray Geela iyo Adhigii ay dhimashada madaxoogii bilaabmaan.

magaalada-geerisa.JPG
fardo-lagu-xidh.JPG
 


Wariye-
Yuusuf Cabdi Cali “Indho-Qurux”
Lughayanews-Boorama