Fardaha-(Lug)- Wararka ka imanaya magaalada Fardo-Lagu-Xidh ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan ka dilaaceen shuban halis ku haya dadwaynaha ku dhaqan deegaandaasi
kaasi oo ilaa inta laga warqabo ay u jiifaan inka badan 36 qof oo u badan haween iyo caruur.
Dadwaynahani ayaa sida ay wararku sheegayaan ay u dheer yihiin abaaro iyo biyo la aan soo food saartay dalka oo dhan iyaga oo ay warar kalana ay sheegayaan inay wali hada ay ku sugan yihiin guryahoodii ay horay ugu dhaqnaayeen waxaanay arintaasi ay keeni kartaa in uu sii fido xanuunkani kaasi oo gaadhaya dhamaanba xubnaha kale ee la nool bukuaankani uu asiibay shubanku.
Hadaba gargaarka ilaa hada soo gaadhay ayaa ah mid ka yimid MCH_ka Geerisa oo aan hili Karin daawo kaafinnaysa dhibta uu ku hayo shubankan ka dilaacay magaalada Fardo-Lagu-Xidh iyo deegaanda ku xeeran, dadwaynaha dhibanaha ah ee ku dhaqan deegaandaasi kor ku xusan ayaa wali aan ka helin gargaaro kale oo dheeraad ah marka laga yimaado caawimaadka MCH-ka Geerisa iyadoo aan inta badan aysan ka warhayn xukuumad walba oo talada dalka hadba gacanta ku haysa gaar ahaan Wasaarada caasimaadka oo shaqadeedu ahayd ka warhaynta muwaadiniinta ee ku dhaqan dalka oo dhan.
Dadka ku nool Xeebaha galbeed ee dalka Somaliland hadii ay tahay xukuumadu iyo dhamaanba dadka kale ee danaynaya ka warhaynta xaalada caafimaad ee dadwaynaha ay maalinta wax ka doonayaan kaliya ay u gacan haadshaan iyaga oo u balan qaadaya hadba markaasi waxyaabaha ay ugu baahan yahay balse waa mid aan dhicin amaba aan fulin balamaha ay qaadaan xukuumada mudooyinkaasi balan qaadka u samaysa bulsho waynta danyarta ah.
Lughayanews Desk
Fardo-Lagu-Xidh, G/Salal, Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shuban Ka Dilaacay Fardo-Lagu-Xidh Iyo Degaanada Ku Xeeran "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback