Boorama-(Lug)-Gobolka Awdal ayaa la ogaaday inay ka shaqeeyaan ugu badnaan shan hay’adood oo ka mid ah hay’adaha dawladda, iyadoo dhinaca kalena badi xafiisyadii dawladda ee shaqayn lahaa dad shicib ahi isku haystaan .
Sida muuqata waxa gobolka Awdal ka shaqeeya wasaaradaha Maaliyadda , Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaladda iyo arrimaha gudaha gudaha kuwaasoo adeegyadii Xukuumaddu ugu talogashay meel itaal dhigaba la arko inay subaxdii kusoo kallahaan dad shaqaale ah, hase yeeshee aad mooddo inay xidhan yihiin xafiisyadii hay’adaha dawladda oo gaadhaya ilaa dhawr iyo toban, wasaaradaha qaarkoodna aanayba lahayn wax shaqaale ah oo ka hawlgala, marka laga reebo isuduwaha oo inta badana hawshiisu ku xidhan tahay xafiisyada dhexe ee caasimadda , taasina ay keento in shaqada uu hayaayi kala badh ku dhammaato safarro .
Qaar ka mid ah waasaradaha dawladda ee gobolka ayaa xafiisyadoodii dad shicib ah isku haystaan sidii ay u qaadan lahaayeen inta ka hadhay dhismayaashii dawladdii Siyaad Barre ka tegtay, dhismayaashaasi ama xarumahaasoo murankoodu noqday mid saameeyey hawlaha golaha degaanka Boorama, isla markaana golahaasi itaal u la’ayahay sidii uu dadkaasi shicibka ah uga xoreyn lahaa xafiisyadaasi oo ay ugu horreeyaan kuwa ay leeyihiin ama lahaan jireen wasaaradaha xoolaha iyo beeraha.
Guud ahaan xafiisyada dawladda ee aan ka shaqayn gobolka Awdal ayaa ahaa kuwa xukuumadihii iskaga dambeeyey Somaliland aanay waxba ka dhaqaajin , aakhirataankiina kusoo beegmay wakhti xukuumadda Axmed Siilaanyo la filayey ama la filayo inay wax badan ka qabato hawlaha maamul daadejinta ee inta badan la sheego inay horumar u keenaan maamulada dawladaha Hoose, isla markaana wax laga qabto sidii xafiisyo loogu samayn lahaa dhammaan wasaaradaha aan xafiisyada ku lahayn gobolka, arrimahaasoo ay in badan ka hadli jireen masuulyiintii soo martay wasaaradahaasi ee ku magacawnaa gobolkan, masuulyiinta ama isuduwayaasha qaar ayaa xafiisyo aan lahayn, halka kuwa kalena ay shaqayn jireen muddo dheer balse aanay waxba kusoo kordhin dalwadihii iskaga dambeeyey dalku, sidaa darteedna aad mooddo in dalkuba yahay oo keliya caasimadda Hargeysa, goboladuna noqdeen kuwa anay cidiba ka warhayn.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Awdal: Gobol Shan Wasaaradood Ka Shaqayso, Inta Kalena Fadhiid Tahay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback