hargeysa.jpgHargeysa-(Lug)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal) ayaa sheegay in ciidanka Boolisku hawl gal balaadhan oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Hargeysa
 ay ku soo qabteen guri ku yaala magaaladaasi 9 xabadood oo miinadda Kaareyaasha lagu  burburiyo ah.

Taliyaha Boolisku  muu sheegin in cid lagu qabtay miinadaasi iyo in kale, hase yeeshee waxa siday maanta faafisay laanta Afsoomaaliga ee BBC-du uu ku sheegay in Boolisku ay hawl galkoodii ku soo qabteen 9 Miinadda kaareyaasha lagu buburiyo ah.

 

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com