p1830966.JPGBoorama-(Lug)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sabootinayo qoraaga da’ada yar ee udhashay gobolka  Awdal kaasi oo dhawaan  uu ku soo bandhigi doono  buug ku qoran luuqada English laguna qoray magaalda Boorama ee xarunta gobolka Awdal  ayaa shalay lagu qabtay Hotel Rays ee magaaalda  Boorama munaasibadani oo ay kasoo qayb galeen masuulyiin , salaadiin , wax agard , aqoon yahano, ururda qaranka, garabka dhalinyarada iyo waliba haweenba .

p1830966.JPG
 
Munaasibadani sabootinta  ahayd ee ay soo agaasimeen garbaha qoraaga da’ada yar ee kasoo jeeda gobolka Awdal  ee Axmed Abiib Haayir, waxaana ugu horayn ka hadalay Mawliid Axmad  Aadan oo uu ku sheegay qoraagu inuu yahay xubin aanu marna ilaawi karin oo hadh iyo habeenba igarab taagan hiil iyo hooba aan kala reebin, hadaba Mawliid Axmad Aadan waxaa uu sheegay inuu ahaa Axmad Abiib Haayir  arday kamid ah ardaydii kasoo baxaday jaamacada  camuud  maantana loo wada taagan yahay  midho  dhalkii jaamacada camuud  sidoo kale waxaa uu sheegay   inuu maanta laga bilaabo uu kamid noqon doono qoraayada Soomaaliyeed inkasta oo ay faro ku tiris yihiin qoraaga Soomaaliyeed ee qoraalkooda ku sameeyay gudaha dalka .

p1830968.JPG
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal oo sheegay in maanta ay tahay wax lagu daydo waxa uu horkacay Axmad Abiib Haayir waxaa kale oo ay intaasi kudareen  inaan lagu hadal hayn kaliya madashan ee ay tahay inay kasoo iibsadaan goobaha loogu tala galay, dhanka aqoonyahana Prof.C/Laahi Cilmi Boqore G/kuxigeenka jaamacada camuud waxaa ka hadlay oo iftiimiyay akhlaaqda iyo dhawrsoonaanta uu lahaa wakhtigiii uu Axmed Abiib Haahir uu dhigan jiray  hooyada jaamacadaha dalka oo dhan ee camuud oo ay ahayd jaamacadii ay ka aasaasmeen jaamacaha intooda badan inta kalana ay kusoo hirteen wanaag wax u qabadkii jaamacada waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa mid akhlaaqdiisa lagusoo hiran karo.

p1830972.JPG
 
Sidoo kale waxaa ka hadlay  Prof. Khadar Cabdi Khayre  G/ku xigeenka jaamacada Eelo waxaanu sheegay inay tahay maanta maalin aad uqiimo badan isla mar ahantaasi  uu sheegay in qoraaga da’ada yar ee Axmad Abiib Haayir ay isu fasal ahaayeen wakhtiyadii dugsiyada hoose iyo dhexe.

p1830973.JPG
 
Waxaa kale oo ka hadashay arday ka kala  socotay jaamacadaha camuud iyo Eelo waxaanay sheegeen in maanta ay helaan wax haga isla mar ahaantaasina ay ku hiran karaan qof  ay ku daydaan.

p1830977.JPG
p1830992.JPG
p1830996.JPG

Wariye-
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqurux”
Lughayanews-Boorama