dsc02488.JPGMadaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda  wadamada
 Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya  Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD.

dsc02488.JPG

 Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh  ee ka socda Somaliland waxa kale oo uu u sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya  Himillada ummadda.

dsc02503.JPG

Eng Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay in u socdaalka weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo u jeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.

dsc02517.JPG

Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna had-laayey magaca safiirada ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in ay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay qabsatay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.

dsc02563.JPG

Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour  warbixin dheer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.

Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada.

Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-

1.        Ethiopia: Amb. Negash Kibret
2.      IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim
3.      Belgium: Amb. Gunter Sleewagen
4.     EU ( Djibouti): Frederic Roberts
5.      Finland: Amb. Leo Olsvirta
6.      France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard
7.      Germany: Nichael Biontino
8.      Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino
9.      Italy: Amb. Renzo Rosso - Alberto Vecchi
10.     Netherlands: Sjoerd Smit
11.       Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim
12.     Uk: John Marshall, Sean Cockburn
13.     Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano
14.    Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu
15.     USA ( Bilat )Amb. Donald Booth
16.     Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert