ucid1.jpgXisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID wuxu xukuumadda ugu baaqayaa inay dagdag u fuliso go’aankii ay ka qaadatay arrinta kalshaale lana aaso barkadihii khilaafka dhaliyey.

Xisbiga UCID wuxuu taageerayaa kuna qarab taagan yahay xukuumadda iyo ciidanka qaranka difaaca qaranka  Somaliland wuxuuna shacabka Somaliland ugu baaqayaa in naf iyo maalba lala garab istaago difaaca qaranka Somaliland.
 
Xisbiga UCID wuxu aaminsanyahay una sheegayaa shacbiga Somaliland inuu dagaalkani yahay dagaal ay hogaanimayso maamul goboleedka majeerteeniya dulucdiisuna tahay inay fidno ka dhex abuuraan shacabka walaalaha ah ee Somaliland.
 
Dhamaan Shacabka Reer Somaliland ee isku haya deegaanka Buuhoodle waxaanu ugu baaqaynaa inay arrimahooda ku dhamaystaan nabad sidii dhaqanka iyo caadada u ahaan jirtay ogaadaana inaanay haboonayn in nabad la dhaafsado colaad.
 
 
 
Allaa    Mahad     Leh
 
 
Eng, Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID