idhanka-4.jpgBoorama-(Lug)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay hawl biyo dhaamin ah ka  biloday degaanno ka tirsan G/Awdal oo ay biyo yaraani soo waajahday .

idhanka-4.jpg

Wafdi uu hogaaminayey badhasaabka G/Awdal ayna ka mid ahaayeen  guddiga ka hortegga abaaraha  ee G/Awdal ayaa saaka ku waaberiistay  degmada  Idhanka , iyagoo halkaa u tegey  si ay ugu bilaabaan biyo dhaamin socon doonta in muddo ah, Wafdiga ayaa markii ay tegeen magaaladaasi, waxa halkaa kusoo dhaweeyey guddoomiyaha degmada, oo isla markaana wafdiga uga xogwarramay heerka ay gaadhsiisan tahay biyo yaraanta soo foodsaartay dadka iyo duunyada degmadaasi, isagoo maayarku sheegay in biyo yaraanta degaanka Idhanku ay iska jirtay in muddo ah, isla makaana ay ka walaacsanaayeen halka ay biyo ugu raadin doonaan dadka iyo duunyada, isagoo dhinaca kalena maayarku sheegay sida  ay isaga iyo dadweynaha degaankaasiba ugu faraxsan yihiin dedaalka xukuumaddu ugaga soo gurmatay biyo yaraantaasi .

idhanka-1.jpg

Sidoo kale waxa badhasaabka iyo guddiga la socdayba soo eegeen kaydadkii biyaha magaaladaasi  ee xoolaha iyo dadkuba ka cabbi jireen oo qalalan, kuwaasoo  u badbnaa biyo xidheenno ay jebiyeen biyo kasoo rogmaday duufaanno sannadkii hore ku dhuftay dhulkaasi. isla markaana u baahan in dib loo hagaajiyo si ay biyaha ugu kaydiyaan mustaqbalka, waxa kale oo ay soo eegeen goobo dadka awoodi karayaayi ku kaydsadaan biyaha kana samaysan bacaha roobka oo dhulka loo qoday .

idhanka-2.jpg

Wafdigan badhsaabka oo ay ka mid ahaayeen isuduwaha wasaaradda macdanta iyo biyaha G/Awdal Cumar Boqorre , Sheekh Cali Aadan , Cumar Yuusuf Buux (Cumar Sugar), dhammaantoodna ka kooban guddiga ka hortegga biyo yaraanta iyuo abaaraha ayaa aakhirataankii guddoomiyaha degmada Idhanka ku wareejiyey ku dhawaad 100 (boqol) booyadood  oo biyo ah  oo lagu qiimeeyey lacag caddaan ah , deeqdaasi oo  ah mid xukuumadda Somaliland ugu talogashay in si tartiibtartiib ah biyo loogu gaadhsiiyo dadweynaha iyo duunyada degaankaasi.

idhanka-3.jpg

Booyadahan oo qaybtii ugu horreysay soo gaadhay magaaladaasi ayaa la filayaa inay berritaba hawsha biyo dhaaminta ka  bilaabaan demadaasi .

Hadallo dardaaran ah oo loo jeediyey guddi loo xilsaaray biyo dhaaminta Idhanka oo uu gudoomiye u yahay maayarka degmadaasi, ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah culimada diinta magaalada iyo maayar kuxigeenka ayaa guddiga ka hortegga biyo yaraanta iyo abaaruhuba.

idhanka.jpg

Sheekh Cali Aadan (Sh.Cali Dheere), Cumar Yuusuf Buux (Cumar Shugar), Badhsaabka Gobolka , isuduwaha wasaaradda macdanta iyo biyuhuba ku waaniyeen  ama kula  dardaameen inay deeqdaasi biyaha ah  si caddaalad ah u gaadhsiiyaan dadweynaha  degaankaasi, kana ilaaliyaan cid kastoo isku dayda inay deeqdaasi ka  ka musuqmaasuqdo ama si gooni ah uga faaiideysato, iyagoo sheegay inay deeqdan kula xisaabtami doonaan masuuliyiinta loo dhiibay.

Wariye-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Lughayanews-Boorama