radiation_warning_symbol.jpg

LOWYACADO – Beelaha Reer Maxamed, Maxad Case waxay digniin u gudbinayaan xukuumada Somaliland in ay amniga muwaadin Maxamed Yuusuf Odawaa Aleel ay khalkhal galiso iyo xuquuqdiisa muwaadin nimo oo ah inuu helo maxkamad cadaalad ah oo amar aan la cadayn karin ee arinta ONLF danbigeeda ku oogta qof maqan kuna xukunta 16 sano – Wadanka Somalilanad wax shaqo ah oo ka jiraa ma jirto – sidaasi darteed muwaadin xoogsanaya oo rakaab qasab ku guray in maxkamad lasoo taago waa danbi wayn.Waxa magaalada Hargeysa dhex mushaaxaya dad dilay muwaadiniin reer Somaliland ah sidaasi darteed xukuumada Axmed Siilanyo waa inay ka digtoonaataa in ay xuquuqda muwaadin Maxamed Aleel ku xad gudubto. waxa suuqa Hargeysa dhex jooga nimankii afarta nin ku dilay wadada Hargeysa iyo Boorame u dhexaysa oo wali xukuumada laga sugayaa inay soo qabqabato.

Waxaa xukuumada Somaliland la farayaa in muwaadinka Maxamed Aleel aan gacanta marnaba loo galin karin xukuumada cadowga ah ee Tikraha taasi oo Somaliland dhaxalsiin doonta cawaaqib xumo ayna kasoo waaqsan.

Beelaha Reer Maxamed waxay xukuumada uga digayaan in ay Maxamed Aleel yahay shaqaale naftiisa iyo caruurtiisa u xoogsanayey sidaasi darteed inayna magac ku raadin muwaadin dulman oo caruurtiisa u shaqaysanayey oo xoog lagu raacay baabuurkiisa.
Beelaha Reer Maxamed, Maxad Case